|

Ra’isulwasaare Farmaajo Oo Muqdisho Kula hadlay kumanan bananbaxayaal kasoo horjeeda is casiladiisa

 

                                                 

www.buhodlepost.com Ra’isulwasaaraha dowladda FKMG Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa gaarey gelinkii dambe ee maanta magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya kadib safar uu kaga tagey magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Ra’isulwasaare Farmaajo ayaa markii uu gaarey magaalada Muqdisho waxaa uu la kulmay dibadbaxayaal farabadan oo ka careysnaa iscasilaadiisa isla markaana maanta isugu soo baxay fagaarayaasha iyo wadooyinka magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Dadweynaha banaanbaxa ka dhigay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la hadley Ra’isulwasaare Farmaajo, waxayna u sheegeen ujeedada dibadbaxooda oo ay ku sheegeen in aysan aqbaleyn oo ay ka xun yihiin in uu xilka iska casilo Ra’isulwasaare Farmaajo.

Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa dadweynaha u sheegay in ay isdejiyaan oo ay niyada kheyr u sheegeen isla markaana wuxuu u sheegay banaanbaxayaasha in ay iska hoydaan, isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxuu yiri ” Niyadiina kheyr u sheega, hooyooyin waa in aad xaafadihii aadaan, habeen wanaagsan, wax fiican baa jira niyadiina kheyr u sheega, aniguna idinkama tegi doono”.

Imaatinka Ra’isulwasaare Farmaajo ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho uu maatna ka dhacay banaanbax aad u balaaran oo ay sameeyeen shacabka iyo ciidamada oo isgarabsanaya kuwaasi oo si cad uga soo horjeestay in Ra’isulwasaaruhu ka tago shaqada

www.buhodlepost.com

email buhodlenews@hotmail.com

Fikrad Ka Dhiibo