|

Xafiiska Raiisalwasaare Farmaajo oo qaadacay Iscasilaadii Xukumada Farmaajo

 masuul u hadlay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda KMG Somaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay been abuur yihiin wararka sheegaya in Ra’iisul wasaare Farmaajo oo iska casilayo xilkaasi.

Kadib markii Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda KMG C/kariin Xasan Jaamac uu shaaciyay in Ra’iisul wasaare Farmaajo uu aqbalay in uu is casilo kadib kulamo Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda uu kula qaatay Madaxweynaha dowladda Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga iyo Madaxweynaha dalka Uganda ayaa war kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaraha waxaa lagu beeniyay in Ra’iisul wasaare Farmaajo uu iska casilayo xilka Ra’iisul wasaarenimo ee Soomaaliya.

 

Cali Cabdi Wardheere oo ah Wakiilka IGAD u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo Shabelle la hadlay isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya  ayaa waxaa uu sheegay in been abuur iyo waxkama jiraan ay yihiin in Ra’iisul wasaare Farmaajo uu go’aansaday in uu iska casilo xilka Ra’iisul wasaarenimo.

 

“Anigoo ku hadlaya Xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxaan cadaynayaa in Ra’iisul wasaaraha uusan go’aansan in uu is casilo, Xilka Ra’iisul wasaaraha waxa magacaabay Madaxweynaha, barlamankana wuu ansixiyay, waxaana xilka ka qaadi kara barlamanka Soomaaliya, Ra’iisul wasaaruhuna isma casilin shaqada Xafiiskuna way socotaa” sidaasi waxaa yiri  Cali Cabdi Wardheere oo ah Wakiilka IGAD u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

 

Wakiilka IGAD u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul wasaraha Xukuumadda waxaa uu sheegay in beesha Caalamka aan go’aan ka gaari karin arimaha Soomaaliya islamarkaana go’aanku ay leeyihiin barlamanka KMG ah oo matalaya shacabka Soomaaliyeed.

 

“ Hadii Ra’iisul wasaaraha shaqada uu wadayo iyo hadii uu ka tagayo waxaa go’aanka iska leh shacabka Soomaaliyeed iyo barlamanka oo shacabkiisa matala, go’aanka malahan Madaxweynaha Uganda, Mahiga malaha, Madaxweynaha gaar u malahan, gudoomiyahana barlamankana malahan” sidaasi waxa yiir Cali Cabdi Wardheere oo ah Wakiilka IGAD.

Cali Cabdi Wardheere oo ah Wakiilka IGAD u qaabilsan Xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxaa uu wax laga xumaado oo mid lagu fududay ku tilmaamay hadal warbaahinta uu kasii daayay Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda kaasi oo sheegay in Ra’iisul wasaraha uu aqbalay in xilka uu iska casilo kadib wada hadalo uu la qaatay Madaxweynaha dowladdda Soomaaliya.

 

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Ra’iisul wasaaraha uu aqbalay in uu is casilo kadib markii Madaxweynaha uu soo jeediyay in uu tanaasulo oo uu is casilo si loo xaliyo khilaafka Madaxda dowladda.

 

Warkaani kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo lagu beeniyay in Ra’iisul wasaare Farmaajo uu xilka iska casilayo ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xili Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda ay sheegeen in xilka uu ka dagayo Ra’iisul wasaare Farmaajo kadib kulan Magaalada Kampala ee Xarunta dalka Uganda ay ku yeesheen Madaxda dowladda oo ay wehliyaan Madaxweynaha Uganda iyo Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya, waxaana arintaani ay cirka isku sii shareeraysaa khilaafka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya taasi oo iminka maraysa meeshii ugu xumeyd .

 

 

isha shabelle.net

Fikrad Ka Dhiibo