|

Kacdoonka bulshada iyo waxa ey dalbaneyso ACDOONKA. (Faallo)

Waxa bilaabatay xiligii shacabka soomaaliyeed uu gacantiisa ku sameysanlahaay mustaqbalkiisa markii 21 sano ey ku daneysanaayeen danley Siyaasadeed oo danohooda kaliya u nool wax himilaa ee uamadeedna aan xanbaarsaneyn arinkaas oo biryahaan ey shucuubta carbeed ey usoo jeesatay kuna guuleysatay iney iska qaaddo heeryihii daneystaayaasha ku dulnoolayaasha shacabkooda.

Runtii waraaqdii ey 2-da shariif ey kala saxiixdeen waxa ey banaanka soo dhigtay in uu dhamaaday xiligii shacabku ey wax ka sugi lahaayeen kuwa noocaasoo kale ah oo u nool kuraas aan waxba umadda loogu qabaneyn laakin meelaha looga daneysanaayo oo kaliyaiyadoo warqaddaas guul daro looga gol lahaay oo kaliya in lagu fashiliyo xukuumaddaan waxqabad ee umaddu ku diirsatay lagana dalbaday ninkii guushaas calanka u siday inuu is casilo si umadda isha looga rido.

laakin shacabka somaaliyeed waa uu grtay dhagarta 2-da sharif iyo mashruuca loogu khidmeynaayo cadawga umadda.

Haddaba mexey tahay waxa shacabku dalbanaayo oo uu doonaayo in uu gaaro?

Shacabku woxow dalbanaayaa arimahaan-

1-In la buriyo hey,adaha dowladduna ey caddeeyaan baadilnimada warqaddii khiyaanada ee kasoo baxday shirkii Kanpala oo madaxweynuhuna ka noqdo caddeeyana inuu ku qaldamay baarlamaankuna shir deg dega ka yeesho bayaan uu ku burinaayana kasoo saaro.

2-In Baarlamaanka soomaaliya ee methela shacabka soomaaliyeed uu caddeeyo beenta uu ka sheegay guddoomiyahiisa Shariif Xasan oo ku qoran warqadda heshiiska khiyaano kaasoo ku andocooday in baarlamaanka iyo xukuumaddu eysan wada shaqeyn karin sidaas owgeedna  waa in Ra,isul wasaaruhu is casilaa 30 cisho gudohood, haddaba wa in baarlamaanku asagoo taas ka jawaabaaya uu kalsooni siiyaa Xukumadda iyo Ra,isul wasaarahaba si loo caddeeyo beenta laga sheegay golaha shacabka.

3- In Guddoomiyaha Baarlamaanka xilka qaadis deg dega baarlamaanku ku sameeyo asagoo u cuskanaaya khiyaanada qaran ee uu sameeyay iyo ka been sheegidda baarlamaanka,lanasoo taago maxkamad qaran mar allaala markuu dalka soo caga dhigto.

4- In Madaxweye shariif hadduu diido inuu ka laabto heshiiska Kanpala baarlamaanku deg deg kalsoonida ugala naqdo lana qabto doorashadii kahor 20 Agosto ee 2011 sida ku cad distuurka maadaama uu ku dhacay khiyaano qaran oo xukuumaddii uu caalamka u sheegaayay sanad in loogu daro si guulaha ey gaartay aan loo carqaladeyn uu asagoo dantiisa gaarkaa eegaaya uu saxiixay bur burinteeda.

5-In beesha acaalamka loo sheego in shacabka soomaaliyeed u aqoonsaday ineysan rabin in dhibaatada dalka lasoo afjaro balsa ey daneyneyso joogteynta dhibaatada shacabka soomaaliyeed,sidaas darteedna maanta wixii ka danbeeya in soomaalidu iyadu isku tashato.

6-In mar haddey cadaatay in beesha caalamku ey khiyaanada saldhig u tahay oo Somaliya loo loogay cadawga umadda soomaaliyeed iyo kuwa u shaqeeya oo aan gobanimada soomaaliyeed aaminsaneyn haadaba waa in Shacabka soomaaliyeed asagu isku tashadaa kana xuroobaa gacan hoorsaga shisheeye ganacsatada iyo jaaliyaadka soomaaliyeedna meelkastoo ey joogaan ey dhaqaala usoo aruuriyaan ciidanka qaranka iyo xukuumaddoodaba.

7-Waa in la ilaaliyaa amaanka mudaaharaadayaasha magaalada muqdisho iyadoo qeybaha ciidamada qalabka sida ey ka ilaalinaayaan in kuwa baas wadayaashaahu kusoo ganbadaan dhibaateeyaanna shacabka usoo baxay badbaadinta dalkooda iyo qaranimadoodaba.

8-Ugu danbeytii waa in kacdoonadu ey yeeshaan guddiyo isku xiran oo abaabul oo la socda hadba heerka ey mareyso fulinta waxyaabaha ey umaddu dalbaneyso oo aan ilaa laga fuliyo aan la joojineyn kacaanka shacabka.

Waxaa diyaariyay.

Sheekh Cali Wajiis Gudiga qabanqaabada kacdoonka shacabka Riyad

Fikrad Ka Dhiibo