|

Hada Kadib Waxaa Ahay Adoon-Abgaal:Maxamed Dheere Oo Ku Hadlay Ereyo Ka Yaabiyay Dadweynaha Soomaaliyeed

Gudoomiyihii hore ee Maamulka gobolka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo wareysi siiyay Idaacada Shabelle ayaa waxa uu sheegay in dibadbaxyadii labadii maalmood ka dhacayay magaalada Muqdisho  ay soo abaabuleen shaqsiyaad dano gaar ah watay, isagoo xusay in qaar ka mid ah shaqsiyaadkaasi  dadka banaanbaxa dhigayay ay ku qasbayeen in ay sawiradooda gaadiidka ku dhajiyaan hadii kalana aysan isticmaali karin wadooyinka waaweyn ee kuyaala magaalada Muqdisho.

Max’ed Dheere ayaa gabi ahaanba waxa uu diiday in loogu yeero darajada gudoomiye ama mudane maadaama sida uu sheegay uu yahay adoon la heysto wixii haatan ka dambeeyana loogu yeeri doono adoon.

Max’ed Cumar Xabeeb oo Shabelle ay wax ka weydiisay cida qaadeysa masuuliyadda qasaarihii ka dhashay banaanbaxyadii labadii maalin ee la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in arintaasi ay dhabarka saaranayaan shaqsiyaadkii soo abaabulay dibadbaxyadaasi ee dadka u soo dhiibay sawiradooda.

Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed Dheere ayaa ka dhawaajiyay in ay qorsheeyeen golaha wasiirada ee xukuumada KMG Soomaaliya in ay dalka ku qabsadaan inqilaab militari, isagoo ku tilmaamay wax laga xumaado in wadooyinka lagu gubo sawirada Masuuliyiinta ugu sareysa dowladda gaar ahaan Madaxweynaha DKMG Soomaaliya, gudoomiyaha Barlamanka iyo ergeyga gaarka ah ee qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ampassador Augustine Mahiga.

Sidoo kale Max’ed Dheere ayaa waxa uu cambaareeyay qalad uu sheegay in laga galay qaar ka mid ah mudanayaasha Barlamanka oo uu tilmaamay in dibadbaxayaashu ay kula dhaqmeen wax ka baxsan sharuucda muduharaadayaasha.

Ugu dambeyntii ayaa gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Max’ed Dheere waxa uu ku nuux nuuxsaday in loo baahanyahay in ay dadku afkaartooda muujiyaan balse waxa uu dhaliilay

qaabkii ay u dhaceen dibadbaxyadii labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo ugu baaqay ciidamada AMISOM in ay ka degtoonaadaan banaabaxyo mar kale ay soo abaabulaan  dad uu sheegay in ay dano gaar ah wataan sida uu hadalka u dhigay.

www.buhodlepost.com

email buhodlenews@hotmail.com

1 Response for “Hada Kadib Waxaa Ahay Adoon-Abgaal:Maxamed Dheere Oo Ku Hadlay Ereyo Ka Yaabiyay Dadweynaha Soomaaliyeed”

  1. laylon says:

    ilaahay daa’insanaa war muxuu dad abuuray, arintan waxay ka tajumaysaa xadiiskii nabigeena (SCWS) ee ahaa qoom marka la dulaynayo waxaa hogaan looga dhigaa kuwa ugu axmaqsan. bal hada ilaahbaa na lehe waxaan uu ku hadlay ila eega umadeey, kaaga darane dadbaa laga yaabaa in ay saan ku taageersanyihiin, miyaysan halakoobin umadda uu horjoogaha uyahay? nacamtii way halakoobeen ee ilaahay umadda haka hor leexiyo noociisoo dhan.

Fikrad Ka Dhiibo