Augustine Mahiga oo la bedelay iyo Ibraahim Gambaari Soomaaliya u soo socda
waxaa soo baxaya warar sheegaya ina bedeli doona Augustine Mahiga iyadoo lagu bedeley Dibolomaasi u dhashey Wadanka Nageria, oo lagu Magaacaabo Ibaraahiim Gambari oo la sheegey in uu ahaa Danjire iyo dublomaasi Nageria , sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyey Xafiiska Qaramada Midoobey ee Dalka Ciraaq , Daarfuur iyo Wadamo kale oo ay ka jireen Qalaalaase Siyaasadeed iyo kuwo Dagaal oo dhamaantood la sheegey in uu ka sameeyey xalin dhab ah oo Siyaasadeed .
Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobey ee la sheegay in ay u soo wado Soomaaliya isla markaana bedeli doona Mahiga ayaa waxaa la sheegey in uu yahay Ruug Cadaa Siyaasadeed oo muddo ku soo jirey Siyaasada waana nin Muslim ah islamarkaan waxaa la sheegey in uu la taliye u soo noqdey Wakiilka Qaramada Midoobey ee Ban Ki Moon waana nin si aad ah looga yaqaan Qaramada Midoobey Xaruntiisa ee Magaalada Newyork sidoo kale Waa Profasoor muddo wax ka soo dhigayey Jaamacadaha wadanka Nageria .
Sababaha loo bedeleyo Mahiga ayaa lagu macneeyey markii la sheegey in uu ku guul dareystey inuu Xal Siyaasadeed ka gaadho Xaalada Soomaaliya gaar ahaan dhameynta Khilaafka ka dhex jira Masuuliyiinta Sare ee Dowladda Federaalka KMG. Sidoo kale Sababaha loo bedeley Ergeygaas ayaa lagu micneeryey Markii Banaanbaxyo Cabasho wata oo looga soo horjeeda Mahiga ay ka dhaceen Magalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah wadamada Yurub, Afrika iyo Wadamada Carabta, waxayna Banaanbaxayaasha mararka qaar ay ku qaylinayeen “Qaramada Midoobey waa in ay deg deg u bedeshaa Mahiga ” iyo ereyo kale oo looga soo horjeedo
arintan ayaan noqon doonta guul siyaasadeed oo usoo hoyatay shacabka Soomaaliyeed hadii ay dhab noqota in meesha laga saaro Maahiga oo mudadii yarayd ee uu Ergayga u ahaa Banki-moon samaayey talaabooyin badan oo fadeexad ku ah Qm isagoo ku caanbaxay laaluush iyo dhabarjabinta maamulka Muqdisho.
dhanka kale warar ka soo baxaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xaalada Siyaasdeed ay meel xun marayso oo hada labdii shiriifna ay wada safanyihiin Islamarkaana dhan ka wada yihiin RW Farmaajo waxaa isna ku biiray bahaysiga Sh.Sakiin Mudane tarsan oo markii hore ahaa garabka Farmaajo,waxaa soo baxaya qabqablayaa aad u dhaleecaynaya banaanbaxyadii Rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho, warlords kaa ayaa hadlaya arinta Muqdisho waxana samaysmay Isbahaysiyo iska horjeeda.
www.buhodlepost.com
Isbabahaysiga Tuugada


aniga waxan tagersannahay bananbaxii ka dhacay muqdishow waxaan codsanayaa bellaha kadhasheen maxamed dhere iyo yusuf indhacade iyo xabsade inay iskabadalan oo kubadalaan rak aqonleh oo unaxriista shacabka waxan kaloo ka codsanayaa barlamanka inney casilaalaan gudomiyaha shariif xasan sababtoah waxuuraba hantidii shacabka somliyed inukubabiyo dibidbaxayasha sidilojojilahay asigo hogami koxed lacak u soo qaday oo raba in u qeebiyo lacaktaas oo laga soo qaday isutaga imaratka dubey oo dhan 7.milyon dolarka marekanka ah waxan leyahay lacaktaas sixaqah uleh baracayasha oo haysa abarta iyo dawola,an hayato waxan leyahay ilahey kacabsada shacabka sixaq ugu adega horumarkoda kashaqeya matada