|

Mawqifka ardayda Somali yeed ee waxkabarata waqooyiga Malaysia ee ku adan kacdoonka shacabka ee ka socda caasimada Muqdisho, laguna diidanyahay casilada Ra’iisal wasaare Farmaajo;

Kulan xasaaasi ah oo ay ardaydu isugu yimaadeen waxay si tiiranyo iyo murugo leh uga xunyihiin dhacdooyinka fooshaxun ee ay ku dheehantahay dib dhaca,horumar la’aanta shacabka somaliyeed iyo in aanay Somaliya kabixin dagaalka iyo colaaddaha gaamuray ee dalka kasoconaya mudo ku dhaw rubac qarni. Kulankan oo ay ardaydu ku muujinayeen dareenkooda iyo taageerada ay u hayaan dowlada farmaajo.

Kulankaa kadib waxay ardaydu soo saaren go’aanadda hoos ku xusan;

1 waxaanu taageersanahay mudaharaadyada ka dhacaya caasimada dalka Muqdisho, waxaanuna codkayaga xorta ku biirinaynaa dadka diidan casilaada raiisal wasaare farmaajo ee ay ka midka yihiin Aqoonyahanada, waxgaradka, culimaaudiinka, hooyooyinka, ardayda iyo dhamaan dadka wanaaga somaliya ka jecel ee diidan dib inay somaliya ku sii jirto sanooyin kale oo dib u dhac ah.

2- waxanu si adag uga soo horjeednaa shirka Kampala ee lagu manjaxaabinayo qaranimada somaliya iyo in lahelo jiritaan ummad somaliyed.

3- waxaanu si kulul u canbaaraynaynaa waxa loogu yeedho QM ee aan daacada ka ahayn xal u helista ummada somaliyed ee aan farahana kala baxayn, gaar ahaan ninka loogu yeero ergayga somaliya u qaabilsan QM Mahiga oo dalkeena somaliya doonaya inuu ka dhigo doon uu naaqude ka yahay.

4- waxaanu uga hambalyaynaynaa shacabka somaliyed iyo ciidanka qalabka sidaba sida geesinimada ah ee nidaamsan ay u muujiyeen dareen kooda ay kaga soo horjeedaan afduubka shacabka somaliyed iyagoo wada jira.

Ugu danbayn waxanu leenahay waa xiligii shacabka somaliyed ay gacmaha is qabsanlahaayeen oo ay ka tashan lahaayeen mustaqbalkooda, lana xisaabtami lahaayeen ninkasata oo madaxa somaliyed ah. Hana taageereen wixii wax u qabanaya

Takale waxaan leenahay ha udulqadanina kuwa ah calooshooda ushaystayaalka ka amar qaata dadka aan rabin inay Somali Qaran noqoto.

Magacyada ardayda soo abaabulay kulanka ay ka soo baxeen go’aanada kor ku xusan;

ABDI NUR SAID DU’ALLE

ENG: ABDIRIZAK ABDULLAHI HASSAN

ABDI AZIZ ALI HASHI

AHMED AIDID SALAD

MUMIN QOJE

ABDI ADAN ABDULLE

ABDIRIZAK SAID SAMATAR

Iyo dhamman ardayda wax kabarata waqooyiga Malaysia iyo wax garadka jooga waqooyiga Malaysia.

Waxana diyariyay Qoraalkan.

Abdi nur Said Du’alle Raashid4@hotmail.com/ critic911@live.com

1 Response for “Mawqifka ardayda Somali yeed ee waxkabarata waqooyiga Malaysia ee ku adan kacdoonka shacabka ee ka socda caasimada Muqdisho, laguna diidanyahay casilada Ra’iisal wasaare Farmaajo;”

  1. laylon says:

    maashaa allaah mar ahday maanta arintu taagantahay war maxaa noo dana anagoo isku duuban. Allahlehe curatay qaranimadii aanu rubuc qarniga ku taamaynay waxaan kasoo marnay colaadaha gaamurayna ilaahay hanagu kaalmeeyo inaan dhaqse uga soo kabano… Amiin ardayda somaliyeedna iyo guud ahaan umadda sooomaaliyeed meel kastay jjogtaba way mahadsantahay waana waajib inaan ilaalino madax banaanida dalkayaga hooyo…..

Fikrad Ka Dhiibo