Qayla Dhaantii Kuala Lumpur (Kuala Lumpur Declaration of Peace & Development for Somalia)
Waa aragti Aqoonyahanka Soomaliyeed ee ku Wajahan in dalkii Hooyo lagu soo dabaalo Nabad iyo horumar ayadoo la adeegsanayo xirfadaha kala duwan ee aqoonyahan ka Soomaaliyeed.
Waxay ahayd 13 May, 2011 markii uu Dr. Mohamed Hussien Aden, MD. uuka qayb galay xaflad lagu soo dhawaynayay Madaxwayne ku Xigeenka Dowlad GoboleydkaSomaliyeed ee Puntland Gen. Abdisamad Ali Shire oo ka dhacday dalka Malaysia, Kuala Lumpur,tariikhdu markay xiligaas ku beegnay.
Dr. Mohamed Hussein Aden,MD oo takha khuskiisu yahay xanuunada kilyaha & dhuumaha Kaadi mareenka ahna Vice Chairman ka ururka Caalamiga ah ee xirfad yaqaanka somaaliyeed, G18 ee saldhigiisuyahay dalka UK ayaa xafladaasi kusoo bandhigay ujeedka guud ee ururka G18 iyo meekhaankauu hiigsanaayo mustaqbalka dhow iyo kan fogba.
Ugu horayn waxuu Dr. Mohamed Hussein Aden sharaxaad ka bixiyay magaca G18 ka, isagoo
ku micneeyay magacaasi inuu u taaganyahay 18kii Gobol ee Somalia, waxuu kaloo aad ugu dheeraaday ujeedka guud ee ururku leeyahay oo ah sidii loo heli lahaa xirfad yaqaanka iyo aqoonyahanka u dhashay dhamaan gobolada Somalia si loo abuuro wax qabad dhamaystiran oo xirfad yaqaankasta ku caawinayo gobolka uu kasoo jeedo iyagoo dhamaan kuwada midaysan Dalaayadda guud ee Caalamiga ah ee G18 ka.Ururku ama Goluhu ma ahan mid Siyaasadeed, waana Samafale aan ujeedadiisu aheyn inuu faaido dhaqqaale helo, balse waa tabaruce sal iyo baarba. Waxaa taas la daris ah ayadoo ay xirfad yaqaanado ay sameyn doonan xirfad is –weydaarsi Goboleed, taasoo ah hiigsi isu soo dhawaanshaha iyo mideynta Xoogga Aqoonyahanka Soomaliyeed si nabad iyo horumar loogu soo dabaalo dhamaan dalkeenii hooyo.
Sharaxaada iyo qeexidda Ururka G18 ka ee habaeenkaasi waxay soo wada jiidatay dhamaan dareenka bulsho waynta somaaliyeed ee ku dhaqan dalka Malaysia iyagoo soo dhaweeyay fikirka & Aragtida G18 ayagoo u arkayey in Golahaani xanbaarsanyahay aragti & ujeeedooyin gaaban iyo kuwo fogba ee mustaqbalka oo keeni kara in nabad galyo iyo horumar laga sameeyo dhulkeeni hooyo.
ee Somalia. Waxaana isla habaynkaasba ururka ardayda somaliyeed ee Malaysia Somali Students Society Malaysia (SSSM) ka codsadeen in Dr. Mohamed
Hussein Aden,MD hadii uu qaban karo barnaamij gaar ah oo bulsho waynta somaliyeed ee Malaysia lagu gaarsiin karo ujeedka iyo aragtida Goloha G18ka.
Habaynimadii ku beegnayd 8 June, 2011 ayaa ururka Ardayda Somaliyeed waxay soo qaban qaabiyeen munaasabad aad u balaaran oo ka dhacaysay Hall kashirarka, Kulliyada Culuumta Qawaaniintaee International Islamic University of Malaysia kana soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada, ayaa waxaa si fiican Dr. Mohamed Hussein Aden iyo jaaliyada reer Malaysia iskula lafa gureen G18 iyo siday dalka wax uga qabanto karto, iyadoo halkaasii su,aalo badan lagu waydiiyay Vice Chairman ka, isaguna si hufan uga jawaabay, Waxaa ka sakow gudoonka Arada ku weheliyey oo habeenka wehel gaar ah u ahaa iyo shir la daadihiyee Dr. Aden, Prof. Eng. Seyd Mohamed Abulle,PHD.oo isaguna hadal dhaxal gal ah ka jeediyey madasha shirka.
Si kastaba ha ahaatee waxuu Vice chairman ku si fiican u sharaxay marxaladaha kala duwan ee uu ururka G18 soo maray tan iyo xiligii la,asaasay isagoo cadeeyay inay lakulmeen carqalado badan iyo wanaag ba, hase ahaatee aysan taasi hakad galin howlahooda shaqo ee ay higsanayaan iyo u istaaga ay u istaageen inay caawiyaan waxna u qabtaan shacabkooda danyarta ah ee dagaalada sokeeye aafeeyeen.Waxuu sidoo kale Dr, Mohamed Ardayda ku booriyay inay yihiin aayihii iyo Hogamiyaashii mustaqbalka dalkeena hadii ay iyagu hagaajiyaana inuu dalku hagaagayo, isagoo tilmaaay tiirarka ugu wayn ee ay mustaqbalka G18 ku faani karto inay yihiin Ardayda maadaama ay iyagu yihiin aqoonyahankii birito.
Si kastaba ha ahaatee Aqoonyahanka iyo dhamaan jaaliyada reer Malaysia waxay ku qanceen inay qayb ka noqdaan ururka xirfad yaqaanka somaliyeed ee G18, si ay uga qayb qaataan dib u dhiska Gobolada dalka, waxaana lagu balamay in ladhiso G18 Chapter ee Malaysia iyadoo kulankii habaynkaas loo wada istaagay si wadajir ah, looguna magac daray Qaylo Dhaantii Kuala Lumpur (Kuala Lumpur Declaration of Peace & Development for Somalia ).
Waxey u egtahay in uu mustaqbalku xanbaarsanyahay, Farxad, Hididiilo iyo Horumar.
Abdirashid Ali Yare (Qalinle)
Kuala Lumpur,Malaysia.
ibnurashiid@hotmail.com
