Caasho Axmed Cabdalla oo eedeysay AMISOM, heshiiskii kampala na ku tilmaantay Khiyaamo qaran
Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla oo ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Soomaaliya oo u waramaysay Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle ayaa sheegtay in Madaxweyne Shariif uu ku fashilmay qorshe uu doonayay in uu isaga horkeeno Barlamanka iyo shacabka Soomaaliyeed,iyadoo dhinaca kalena eedeyn u soo jeediysay ciidamada AMISOM ee Muqdisho jooga.
Caasho Axmed Cabdalla ayaa si kulul waxa ay u weerartay ciidamada AMISOM ee howlgalada militari ka wada Magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa Uganda, waxeyna sheegtay in ciidamadaasi ay gabeen howlihii loo keenay dalka Soomaaliya, ka dib markii ay ku eedeysay in ay ku milmeen siyaasada Soomaaliya khilaafyada taagan, islamarkaana ay la kala safteen masuuliyiinta ugu sar sareysa DKMG Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa hoosta ka xariiqday in ciidamada AMISOM ay dalka ku yimaadeen rabitaanka Barlamanka Soomaaliya waxeyna xustay in Uganda aysan dalka laheyn, iyadoo sheegtay in looga baahanyahay mudanayaasha Barlamanka in ay talaabo ka qaadaan ciidamada Uganda ee nabad ilaalinta u jooga dalka Soomaaliya.
Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalla ayaa soo hadal qaaday heshiiskii Kampala oo guux siyaasadeed ka dhex abuuray golayaasha dowladda KMG Soomaaliya waxeyna si kulul uga hortimid 10-kii qodob ee ay ku soo heshiiyeen madaxweynaha iyo gudoomiyaha Barlamanka.
Waxa ay xustay Caasho Axmed Cabdalla in qodobada ay kala saxiixdeen labadaasi masuul aysan u cuntami doonin golaha barlamanka, waxeyna ku nuux nuuxsatay in heshiiskaasi ay gaadheen shaqisiyaad sameeyay khiyaano qaran sida ay hadalka u dhigtay.
Ugu dambeyn Xildhibaanada oo hadalkeeda sii wadatay ayaa sheegtay in madaxweynaha uu yahay sharci xambaare loogana baahnaa in uu sharciga ilaaliyo balse waxa ay nasiib daro ku tilmaamtay in madaxweynaha uu ku tunto sharciga, waxeyna shaaca ka qaaday in Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu kiciyay shacabkii banaanbaxyada dhigayay si uu barlamanka uga horkeeno shacabka Soomaaliyeed, balse waxa ay ka dhawaajiysay in aysan taasi dhicin oo maanta uu shacabku ku kacsanyahay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
www.buhodlepost.co,
isha shabelle.net
