|

Maxaa Ka Jira In Shariif Xasan Uu Dhaqaale Ku Burburinaayo Kacdoonka?

Kadib go’aanadii ka soo baxay Magaalada Kampala ee Dalka Ugaandha oo ay ku heshiiyeen Kooxaha ay hormuudka u yihiin labada Shariif, dhaliyayna Kacdoon baahsan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho una si gudbay Gobolada dalka iyo Guud jaaliyada Soomaalida ee Waqooyiga Amerika, dalalka Yurub, abriga Afrika iyo dalalka Khaliijka, ayaa wuxuu ku abuuray xubnihii dhagartaasi soo maleegay cabsi weyn gelisay iney dibadbaxyadaasi dhibaato u keeni doonto. Wararka ayaa sheegaya Maalinti Bishu aheyd 11.06.2011 uu Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah Shariif Xasan (Sakiin) xisaabaad u ku lahaa bangiyo ku yaal magaalada Dubai ka fasaxay lacag dhan Todoba Milyan ee Doolar (7 Milyan oo US$), dhaqalaahaan ayaa lagu wadaa in lagu burburiyo Kacdoonka dadweynaha, waxaana la sheegay in dhaqaalahasi haatan uu gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in la howl geliyay Hogaamiye kooxeedyadii magaalada la dagay sida, Cabdi Xasan Cawaale, Yuusuf Indhacadde, Muuse Suudi, Maxamed Dheere, Salaad Cali Jelle, Cabdulaahi Sheekh Xasan, Maxamed Ibraahim xaabsade, iyo xubno ka tirsan Xarakada Majmaca sida Axmed Cabdi Dhicisow ina Ciise Caddow iyo Cabdulaahi Macallin Mukhtaar, Muxyadiin Xasan Afrax. Xubnahaan ayaa bilaabay iney warbaahinta kooxda Majmaca iyo kuwo la siiyay sandareerto ay jahwareeriyaan dibadbaxayaasha, waxeyna ujeedadoodu tahay sidii weli baaqi ugu sii ahaan lahaayeen shaashada isla markaasan ay qaab afduub ugu heystaan bulshada Soomalaiyeed, iyagoo durbadiiba howlgeliyay Hogaamiye kooxdyada sida Indhacadde oo sheegay inuusan jirin Kacdoon, sidoo kale kulamo ayaa la sheegay in maalmahaan loo qabanqaabinaayo Odayaasha dhaqanka, ururada Bulshada rayidka ah si ay u gadaan in heshiiska Kampala uu yahay mid dan ugu jirta Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka. Gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan oo lagu waday inuu maantay soo gaaro magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay kadib markii uu aad uga argagaxay dibadbaxyada iyo sumcad xumada uu ka kasbaday bulshada ku nool magalaada Muqdisho, wuxuuna si hoose u sheegay inuusan dalka dib ugu laaban doonin inta uu Shariif Axmed (Afgudud) uu ka xalinaayo xiisadanloogu furdaamiyo hawlaha kala qeybinta. Xigasho Wadanka

Fikrad Ka Dhiibo