|

Dawlada Kenya oo aad u dhaliishay heshiiskii Kampala.

                                                                                                        

Nairobi:-Dawlada wadanka Kenya ayaa sheegtay in ay ka soo horjeedo waxaana dhinaca kale ay taageertay banaanbaxyada ay dhigayaan shacabka soomaaliyeed ee taageeraya xukuumada Farmaajo.

Gudoomiye ku xigeenka golaha Baarlamanka dalka Kenya Faarax Macalin oo maanta saxafada la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Kenya ay ka soo horjeedo heshiiskii ay dhwaan magaalada Kampala ku gaareen madaxweyanaha dawlada KMG ee soomaaliya iyo gudoomiyaha Baarlamanka kaas oo ay ku soo afjareen khilaaf muddo bilo ah ka dhex jiray.

Waxa uu sheegay in uusan heshiiskaasi wax ku soo kordhinaynin mushkilada siyaasadded ee soomaaliya, waxaana uu carabka ku dhuftay in colaadaha dalka soomaaliya ka jiray 20kii sano ee la soo dhaafay ay majaraha u hayaan dawladaha dariska la ah soomaaliya.

Dhinaca kale waxa uu taageeray gudoomiye ku xigeenka Baarlam Kenya banaanbaxyada shacabka soomaaliyeed ay ka dhigayaan dalka iyo dibadiisa, isgoo tilmaamay in ay wax badan ka badali karaan nidaam la’aanta iyo musuqmaasuqa oo gaaray heer xildhibaanadii soomaalida lagu yeesho kirada Hotelada ay daganaayeen.

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo