|

Wakaalada Wararka AP Oo Warbixin Gaar Ah Ka Qortey Dilkii Hogaamiyihii Al-qaacida Ee Bariga Afrika Fasul Cabdalla

Wakaalada Wararka AP Oo Warbixin Gaar Ah Ka Qortey Dilkii Hogaamiyihii Al-qaacida Ee Bariga Afrika Fasul Cabdalla.

Wakaalada wararka AP ayaa warbixin khaas ah oo ay daabacdey waxay kaga hadashay qaabkii uu dhacay dilkii lagu diley hogaamiyihii Al-Qaacidada bariga Afrika, isla markaana ahaa maskaxdii ka dambeyey weeraradii lagu ekeesafaaradaha Mareykanka ee wadamada Kenya & Tanzania Fasul Cabdalla.

AP ayaa wareysatey askari 22 jir ah oo ahaa ninkii gacantiisa ku diley Fasul Cabdalla Maxamed, askarigaasi oo ahaa nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Cabdi Xasan, sida AP qortey baabuur nooca Toyota SUV oo madow ayaa ku soo istaagey jidgooyo ku taal magaalada Muqdisho, xiligu wuxuu ahaa habeen hadaba maxaa dhacay.

Cabdi Xasan oo ah askariga dhacdadan ka sheekeynaya ayaa yiri “Gaarigu markii uu soo istaagey barta koontarool waxaan ku armar wadaha gaariga in uu damiyo layrarka hore isla markaana uu shido leyrka gudaha”. Kadib wadihii gaariga ayaa ku jawaabay “Waa odayaashii” taasi oo uu ula jeeday gaariga dadka saaran magacaasi oo ah magac loogu yeero madaxda sar sar ee ururka Al-Shabaab.

“Ma garanayo odayaasha” ayuu ku jawaabay askari Cabdi, taasi oo darawalka gaariga u muujisay inaanay ka gudbi karin jidgooyada si fudud. Hadaba maxaa dhacay? Sida muuqanaysa gaariga waxaa wadey ninka lala diley Fasul Cabdalla oo magaciisa lagu sheegay Cabdulaahi Dheere oo ka mid ahaa saraakiisha sar sar ee Al-Shabaab, wadaha gaariga wuxuu qaatey amarkii askariga ka dibna wuxuu shiday layrkii gudaha ee gaariga.

“Markii layrka la shiday waxaan arkay darawalka oo dhiniciisa ay taal baastoolad, iyadoo ninka kale ee kusriga rakaabka dhabta uu uu saarnaa qori AK 47 ah” ayuu yiri Cabdi.

Kadib askari Cabdi Xasan wuxuu ku qayliyey “Ha qaadin qoriga”, isagoo qorigiisa ku soo beegaya ninka qoriga sita, kadibna ninkii fadhiyey kursiga rakaabka oo la aaminsan yahay in uu ahaa Fasul Cabdalla ayaa ku qayliyey wadaha oo ku yiri ninka dil oo Bistoolada ku dufo, wadihii gaariga ayaa damcay in uu Bistoolada ku dhufto askari laakiin way ka kadibtay (dhiciwayday) Intaasi ka dib askari Cabdi Xasan wuxuu sheegay inuu qorigiisa rasaastii ku jirtey oo dhan in uu ku afuufo gaariga iyo waxa saaran, wuxuu sheegay in 30-kii xabo ee qasnada in uu ku dhameeyey nimankii iyo gaariga la socdey.

Kadib markii ay joogsatey rasaasta Cabdi Xasan wuxuu ka warheley in ay meyd yihiin labada nin gaariga saarnaa, halkaasi ay dhulka soo dhigeen, gaarigana laga helay waxyaabo kala duwan oo ay ka mid yihin qoryo, lacag, waraaqo & waliba computer  Lap top ah. Askari Cabdi Xasan wuxuu rumaysan yahay in qof kale oo sadexaad uu saarnaa gaariga xagiisa dambe kaasi oo ka baxsadey rasaasta isa markaana ka booday gaariga qaybtiisa dambe maadama qaybta dame ee gaariga ay furneyd.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan dilo qaswadihii, ducadii & baryadii ummada Soomaaliyeed waa la aqbalay” ayuu ku yiri Cabdi Xasan wareysiga AP ay la yeelatey oo ahaa mid taleefoon lagula yeeshay, isagoo intaasi ku darey in isagu (Fasul) uu ahaa dhibtaada Soomaaliya. Abaalmarinta $ 5-ta milyan ee dultiilay madaxa Fasul Cabdalla Dawlada Mareykanku waxay horey ugu yaboohdey inay ku bixinayso dilka ama qabashada Fasul Cabdalla aduun lacageed oo gaaraya 5 milyan oo doolar, iyadoo la siinayo qofkaasi arimahaasi fudadeeya, hadaba Cabdi Xasan oo ah askariga la sheegay in uu gacantiis aku diley Fasul Cabdalla muxuu ka aaminsan yahay in lacagtaasi la siiyo iyo in kale.

“Ma doonayo inaan waqti ku dhumiyo ama aan ka fakaro inaan helayo abaalmarintaasi” ayuu yiri Cabdi Xasan, iyadoo abaalmarintaasi aanay wali ka hadli dawlada Mareykanka. Fasul Cabdalla oo u dhashay jasiirada Comoros mudo ku dhaw 15 sano ayaa Mareykanku baadi goobayeen iyagoo ku eedeeynayey in uu ahaa ninkii abaabulay weeraradii safaaradaha Ameerikaanka ee magaalooyinka Nairobi & Darasalaam, waxaana weerarkaasi ku dhintey 224 qof oo ay ka mid ahaayeen in ka badan 10 qof oo Mareykan ah.

isse Axmed soofe

buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo