Gudoomiyaha Baarlamaanka oo laga diyaarinaayo mooshin ka dhan waxaa sidaasi qortay Xaqiiqda.com
Xildhibaanadii ugu badnaa oo waayahan waday olale lagu doonaya in dib loogu furo kalfadhiyadii Barlamaanka ayaa maanta ku shiray Xarunta Golaha Shacabka ayagoo gaaraya ilaa 150 Xildhibaan waxeeyna ka wada hadlayeen qaabka ay macquul u tahay in loo furo Kalfadhiyada Barlamaanka si xal looga gaaro Heshiiskii Kampala oo looga fadhiya meel marintiisa Barlamaanka.
Xildhibaan ka mid ah Xildhibaanadii maanta ka qeyb galay Kalfadhigaasi oo lagu magacaabo Mahamuud oo u waramayay Wariyaha Shabakada XAQIIQDA.COM ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Afhayeenka Barlamaanka uusan dooneynin in uu furo Kalfadhiga laga sugaya in lagu soo af jaro Heshiiskii Kampalla.
Su’aal aan weydiinay Xildhibaan Mahamud oo aheyd in waayahan ay wadeeyn mowshin ka dhan ah Gudoomiyaha Barlamaanka Shariif Hassan waxa uu ku jawaabay Xildhibaanka..
”Anagoo gaareyna ilaa 150 xildhibaan waxaan wadnaa Mowshin ka dhan ah Shariif Hassan oo lagu doonaya in xilka looga qaado sababtoo ah in uu ku fashilmay heshiiskii Kampala waana qasab in ceeb darteed dalka u imaan wayay in uu hadane is hor taago meel marinta Heshiiskii Kampala” ayuu u sheegay Xildhimaankaasi Xaqiiqda.com
Waayihii ugu Dambeeyay waxaa isa soo tarayay in Kacdoonkii ka biloowday Muqdisho ay qeyb ka noqdeeyn Xildhibaanada kaasoo lagu doonayay in lagu qaadaco heshiiskii laba shariif ay dantooda ku fiirsadeyn laguna doonayay in xilka looga qaado Ra’isul Wasaare Mahamed Abdullahi Mahamed ”Farmaajo” taas oo shacabka Soomaaliyeed ay ka soo horjeesteeyn iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliyeed.
Isku soo wada duub waxaa maanta Muqdisho si cad mooqifkooda ugu cadeeyay Xildhibaanada ay ku harsan tahay Qaranimada Soomaaliyeed oo sheegay in ay rabaa in ay muujiyaan in ay aad uga xun yihiin waxii ka dhacay Kampala oo Laba shariif ay ku sheegeeyn in ay ku soo afjareyn qilaafkii u dhaxeeyay taas ay ku sifeeyeen dano shaqsiyadeed.
Xigasho: Xaqiiqda.com
by Isse Ahmed soofe
