|

Raiisalwasaarihii DKMG MR. FArmaajo oo xilkii isla casilay ka dib markii ciidanka Uganda ay u hanjabeen

 Waxaa maanta xilka Ra’iisul wasaaranimo ee dowladda KMG iska casilay Max’ed Cabdullaahi Max’ed Farmaajo kadib markii sida la sheegay cadaadis lagu saaray in uu xilka ka dego,warar lagu kalsoonyahay oo ka soo baxay aqalka Rasiisal wasaare Farmaajo,ayaa sheegaya inuu caadis badan kaga yimid  dawladaha Aduunka.

waxaa xilkii Ra’iisul wasaaranimo ee dowladda KMG iska casilay Max’ed Cabdullaahi Farmaajo kadib kulan saacado badan qaatay oo manta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo la sheegay in ay wada qaateen Ra’iisul wasaarihii hore ee Xukuumada KMG Max’ed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa gaba gabadiisa la sheegay in la isku afgartay in la fuliyo heshiiskii lagu galay Magaalada Kampala sidaasina uu isku casilay Ra’iisul wasaarihii Xukuumada KMG Max’ed Cabdullaahi Farmaajo, warar ka soo baxaya qaarka mid ah  xildhibaanada iyo masuuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in goobta uu isku casilay Ra’iisul wasaare Farmaajo ay goob joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan AMISOM oo uu ka mid yahay taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Mr. Mugish

Wararka qaar ayaa tilmaamaya in Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi uu cadaadis kala kulmay dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin wadamada safka hore iyo kuwa ciidamadu ay ka joogaan Soomaaliya,kadib markii uu is casilay Ra’iisul wasaarihii xukuumada KMG Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu la hadlay saxaafada waxaana uu sheegay in la tashiyo uu la sameeyay  madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee dowladda uu garwaaqday in uu iska casilay xilka Ra’iisul wasaaranimo.

 

Farmaajo waxa uu daboolka ka qaaday in uu jiray cadaadis uga imaanayay beesha caalamka waxaana uu carabka ku dhuftay in sababta uu isku casilay ay tahay cadaadis uga yimid beesha caalamka

 

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo