|

Waxaan Nahay Laheystayaal Ugandha Ayaa Taladii Dalka La Wareegtay:Xildhibaan Cismaan Caato

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta loo diiday in ay galaan Xarunta Golaha Shacabka iyaga oo marki danbe ku shiray afaafka hore ee baarlamaanka.

Xildhibaanadaan oo ka mid ahaa kuwi shalay ku kulmay xarunta Baarlamaanka ayaa waxa ay saxaafada kula hadleen banaanba Golaha Shacabka waxaana ay si kulul u eedeeyeen ciidamada Ugana iyo Madaxda dowlada.

Cismaan Xasan Cali Caato oo un hadlay xildhibaanada ayaa sheegay in dalka ay heystaan ciidamo Shisheeye iyo shaqsiyaad u adeego oo uu kala jeeday ciidamada AMISOM iyo Labada Shariif.

“Waxaad u jeedaan dowladii Maxamed C/lahi Farmaajo in la diiday inay diideen dawladda Ugandha anaga oo xildhibaano ah dowladi aan dooneynay waxaa diiday Ugandes iyo dad kale, waxaan leeyahay dalka waa la heystaaye tashada kuna tashada in aan iska dhicino nimanka shisheeyaha ah ee noo yimid kuwa kuwa la shaqeysanayo, ninka madaxweynaha sheeganayo ee namasalayo waad aragteen warqada uu saxiixay,” ayuu yidhi.

Mudanayaashaan ayaa si weyn u taageeray ra’isulwasaaraha iyo xukumadiisa, waxaana ay codsadeen in baarlamaanka uu go,aan ka gaaro shirki dalka Uganda.

Isse Ahmed sofe

buhodlepost

Fikrad Ka Dhiibo