Ciidamo la dagaalama burcad badeeda oo tababar loo soo xiray
Wadamo ay kamid yihiin Fransiiska, England, Russia iyo Mareykanka ayaa waxa ay ciidamadooda u soo gababeeyeen tababar ay si wada jir ah kula dagaalamayaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida ee ka qowleysta xeebaha dalka Soomaaliya iyo kuwa ka baxsan.
Tababarkaan ayaa waxa uu socday mudo 2 Isbuuc ah, waxana tababarka si wada jir ah ugu qeyb qaadanayey ciidama bada ee wadamadaasi iyo maraakiib dagaalka oo lagu kala magacaabo USS James Williams, iyo UKwarship, FS Ventose, waxaana ay sheegeen in ay ka go
UKwarship, FS Ventose, waxaana ay sheegeen in ay ka go’antahay in ay cidhib tiraan budhcad badeeda Soomaalida.
Admiraal. Herman Shelansk oo ah taliyaha cutubka 10 aad ee ciidamada bada ee dalka Mareykanka ayaa waxa uu sheegay in tababarkan ay wada qaateen qaar ka mid ah wadamada Yurub iyo Mareykanka lagu doonayo in si wada jir ah lagula dagaalamo Burcad badeeda, waxaana uu intaa ku daray in ay diirada saarayaan sidii burcad badeeda looga cirib tirilahaa caalamka oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan.
Waa in aan si wada jir ah u shaqeynaa si aan uga adkaano Burcad badeeda, maxaa yeelay burcad badeeda waxa ay dileen muwaadiniin u dhalatay dalka Mareykanka, iyagoo ku raadinayo malaayiin lacag madax furasho ah.