Diyaarado joog hoose ku duuliya oo qal qal galiyay Reer Kismaayo
Diyaarado joog hoose ku duulaya ayaa lagu arkay Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose, iyadoo diyaaradahaasina ay qal qal ku abuureen dadka shacabka ah ee kunool Magaaladaasi.
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxa ay xaqiijinayaan in magaaladaasi lagu arkay laga soo bilaabo shalay galinkii dambe ilaa xalay diyaarado joog hoose ku duulayay oo cabsi xoogan ku abuuray shacabka Magaalada Kismaayo.
Mid ka mid ah shacabka ku nool xaafadda Calaley ee magaalada Kismaayo oo diiday in magaciisa loo adeegsado saxaafada ayaa waxa uu Shabelle u sheegay in diyaaradahaasi ay yihiin nuuca wax basaasa ee aan duuliyaha laheyn, isagoo carabka ku dhuftay in diyaaradahaasi aysan geysan wax diyaarado ah balse waxa uu xusay in ay qal qal ku abuureen dadka shacabka ah.
Goobjoogahaasi sidoo kale waxa uu sheegay in magaalada uu ka bilowday barakac ay samaynayaan qoysas ku nool Magaaladaasi kuwaasi oo ka cabsi qaba in ay waxyeelo ka soo gaarto duqeyn diyaaradahaasi ay ka geystaan Kismaayo.
Durba markii diyaaradahaasi lagu arkay Kismaayo ayaa maamulka Al Shabaab ee ka taliya Magaaladaasi waxa ay bilaabeen in ay diyaariyaan ciidamo gaar ah kuwaasi oo la sheegay in ay la dagaalamayaan diyaaradaasi, waxaana dagaalyahanadaasi fariisin looga warshadii hore ee Hilibka.