|

Gudigii maanta uu magacaabay R/wasaraha oo degmooyin soo kormeeray

Gudiga qaranka gurmadka abaaraha ee maanta uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG ayaa galabta soo bandhigay dhul ay sheegeen in ay dib u dajin ugu sameynayaan qoysaska ku soo barakacaya magaalada Muqdisho.Tiro wasiiro ah oo ka tirsan Gudiga Qaranka gurmadka abaaraha iyo barakaca oo maanta uu ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG C/wali Max’ed Cali iyo ku simaha gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir oo maanta kormeer ku tagay qeybo ka mid ah degmada Dharkeenlay gaar ahaan xaafada Booli-qaran ayaa wax ay soo bandhigeen dhul balaaran oo loogu talagalay in dib u dajin loogu sameeyo dadka ka soo barakacaya abaaraha ka jira gobolada dalka kuwaasi oo soo gaaraya magaalada Muqdisho.

Ibraahim Yarow Isaaq oo ah siihayah xafiiska Wasiirka ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda KMG oo ka mid ahaa gudiga uu maanta magacaabay Ra’iisul wasaare C/wali ayaa waxa uu sheegay in talaabada koowaad ee uu gudiga qaadayo ay tahay dib u dajin uu u sameynayo dadka barakacayaasha ah, isagoo sheegay in dib u dajinta kadib ay u sameyn doonaan gurmar bini’aadanimo oo deg deg ah.

Wasiir ku xigeenka ayaa waxa uu sheegay in dhulkii maanta ay soo bandhigeen ay ugu talagaleen in ay dajiyaan ku dhawaad 1000 ilaa 2000 oo qoys, isagoo intaasi ku daray in maamulka degmada Dharkeenlay uu gacan ka siiyay dhulkaasi.

Masuuliyiintii maanta ka qeyb gashay kormeerkaasi ayaa waxa ka mid ahaa wasiirka caafimaadka xukuumada KMG Soomaaliya, Dr Aadan Xaaji Ibraahim, wasiir ku xigeenka warfaafinta, Max’ed Cabdulle Faarax Geeseey, wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Ibraahim Yarow Isaaq iyo gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir Cali Axmed Guure kuwaasi oo dhamaantood isku raacay in loo baahanyahay in si deg deg ah loo caawiyo dadka abaartu ay saameysay, iyagoo ka dalbaday hay’adaha gargaarka in ay si deg deg ah gar gaar bini’aadanimo ay ula soo gaaraan dadka ku dhibaateysan gudaha magaalada Muqdisho.

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo