jabhada Axmed Siilaanyo oo dad rayid ah ku ururisay xabsiyada Laascaanood
magaalada laascaanood baadhitaano xoogan oo ay ku soo qabqabteen dad shacab ahaa oo aan waxba galabsan,Maleeshiyaadkan oo ku gaashaman hubka tiknikada ah ayaa gaaf wareegayay xaafadaha koonfureed ee magaalada laascaanood waxayna cabsi iyo welwel ku abuureen dadka xaafadahaasi lamana oga sababta xiligan keentay badhaadtaano,Qaar kamid ah ehaladda dadka la xidhxidhay ayaa loo diiday inay arkaan waxayna saaka oo dhan hortubnaayeen jeelka dhexe ee magaalada laascaanood mana jirto cid ka hadashay xarigan aan kala sooca lahayn ee lagu hayo dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada laascaanood
Arintan ayaa ku soo beegmaysa xili ay jirto cabsi xoogan oo la soo wajahday cid walba oo la shaqaysa maamulka somaliland kadib markii habeen hore la weeraray gudoomiyaha Ururka haweenka Now ee gobolka sool oo xiligan lagu daawaynayo magaalada hargeysa ee xarunta maamulka somaliland,dhibaatooyinka ka dhaca magaalada Laascaanood ayaa laga soo abaabulaa xeryahan ciidanka Jabhada haysata magaalada laascaanood,waxaana loo qabqabtaa dad rayid ah oo aan waxba ka ogayn falalkaas.
www.buhodlepost.com
