|

doodaa helaa,dedaalaana gaadhaa by Mohamed Buraleh

SNM(Isaaq) waxaa lagu nacay colaadda iyo nacaybka ay u qaadday Somali oo idil khaas ahaan inta Eebbe deriska uga yeelay. Waxaa lagu nacay damaca kala goynta iyo kala qoqobka Somalia iyo Somali. SNM ilaa maalintay qoriga qaadday waxay dil,dhac,kufsi,dhul iyo hanti boob,barakicin,isku dir,kala qaybin,magac iyo

sharaf dil iyo qoor qabad(dhiibis),dacwo iyo been abuur ku haysaa Somalida aan SNM(Isaaq) ku abtirsan. Bilaayo nin keenaa saara,SNM iyadaa looga fadhiyaa inay

joojiso gulufka colaadda ay Somali ku hayso,iyo inay midnimada Somali ku joogto.

Maamulka Puntland waxaa loo dhisay inuu Somali oo idil u noqdo hoy nabadeed iyo soo celinta Qaranimadii Somaliyed. Looma dhisin dulmi iyo colaadin beel Somiyaled.

Looma dhisin kala qoqobka iyo kala geynta Soomaaliyed. Looma dhisin inuu noqdo hoy Burcad. Looma dhisin inuu noqdo marinka tahriibta. Looma dhisin in Booli iyo Xaaraan

ku naax ay ku herdamaan. Looma dhisin inay shisheeye ka talo iyo amar qaadato. Looma dhisin inay kala godobto,u kala eexato,gumayso,isku dirto,isku hubayso,kala

fadli yeesho beelihii Maamulka u wada dhistay nabad iyo dheef wadaag.

Hoggaankii HM&B-SSC hadda, waxaa loo dhisay inay midayso marka hore ummadda ku abtirsata gobolada SSC. Allaah baa ummad hal naf ka dhigi kara,markay midnimo

baahdona ay ku tallaabsato xorayn. Xorayn dabadeedna inay nabad iyo nolol u horseeddo ummadda SSC marka hore-tiisa daryeelaa tu kale ku dara,ka gadaalna ay isla doonto

Somali iyo Somaliya. Wanaag iyo xumaan abid waa kuwii isku sidkan,Rome hal maalin kuma dhismin,sida la dhaho,tallaabooyin hore loo qaaday way jiraan,kuwo dib loo qaadayna waa jiraan.

Hoggaanka SSC wuxuu ku dhisanyahay ama ku jiraa saddex go’aan oo keliya:-

Horseed, Nairobi

Go’aamo si kooban u tilmaamaya ujeedada iyo dhismaha Hoggaanka. Midayn iyo Badbaadin sal u tahay,leh Gole Issimo,Gole Khusuusi iyo Gole Fulin. Nasiib darro saddexdaas Gole midna hadda

SSC uma hayo hawl lagu sii eegto.

http://www.dhanbaal.com/main/index.php?module=News&func=display&sid=63

Buurawdal, Sool

Go’aamo 2/3 Issin awood u siinaya inay kala diri karaan Golaha Khusuusida hadday sidaas dan moodaan. Golaha Khusuusidana awood u siinaya inay ama ansixiyaan ama kala diraan Golaha Fulinta,

hadba tay dantu ku jirto.

http://www.dhanbaal.com/main/index.php?func=display&module=News&sid=455]

Khaatumo,UK

Su’aalo leh,balse mudan in laga dhursugo. Hoggaanka waxaa aqoon,khibrad,karti iyo garasho kula soo biiray kooxda G6,iyo badi Golihii Fulinta Ururka NSUM. Khaatumo waxaa lagu ballamay,inta ka

horraysa shir gudaha SSC ku qabsoomi doona in hawlaha ay ku jirto danta guud ee SSC lagu wada abbaaro aqoon,wadatashi iyo wadajir. Intaas wixii dheer waxaa u madal ah shirka Khaatumo ee lagu

guda jiro qaban-qaabadiisa. In hadda la ansixiyo Dastuur looga gol-leeyahay muddo kororsi ma ah xaajo maanta loo fadhiyo ama la ogolaan karo. SSC wadadii midnimada bay cagta saartay is muquunin

iyo loo joojin maayo waa laga soo gudbey.

http://allcaseyr.net/2011/04/24/goaamadii-shirkii-khaatumo-ee-aqoonyahanada-dhulbahante-english/

By Mohamed Buraleh

Fikrad Ka Dhiibo