|

Soomaaliya 1960, 1 jully -2011, 1 jully maxaa ka dhacaay?

Xorriyadii iyo midowgii dadka Soomaaliyeed qaybtii laga soo bilaabo dabayaaqadii qarnigii 19aad ay gumaysan jireen Ingiriiska iyo Talyaanigu.
July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan Daar (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].
Jan 1962 - Nelson Rolihlahla MANDELA ayaa u mahad celiyeey afar wadan oo ay ka mid tahay Soomaaliya. Mandela waxa uu ka khudbaynayey shirkii Pan-African ee lagu qabtay Addis-Ababa, asagoo u mahad celiyey afar dal ee Afrika** xilligaas ka mid ah dalalka xorta ah, kuwaas oo kulankaas joogey, kuwaas oo ahaa Somalia, Ethiopia, Sudan iyo Tanganyika. Waxana uu Mandela dalalkaas uga mahad celiyey sida ay cunaqabataynta siyaadadeed iyo mid dhaqaale u saareen dawladii markaas midab takoorka ku haysatey Koonfur Africa iyo sida ay dalalkaasi magan gelyo u siiyeen qaxootiga reer Koonfur Afrika.
June 10, 1967: Waxaa Soomaaliya madaxweyne ka noqday C/Rashiid Cali Sharmarke. October 15, 1969 ayaa la diley C/rashiid isagoo booqasho ku maraya Laascaanood. [C/rashiid Cali Sharmarke waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1919 ilaa October 15, 1969].
Oct 21, 1969 – Inqilaabkii loo bixiyey ‘inqilaabkii aan dhiigu ku daadan” ayaa ka dhacay Soomaaliya, waxaana sidaas xukunka ku qabsaday Jenaraal Maxamed Siyaad Barre.
Oct 21, 1972: Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaas ka horeeyey aan qornayn, balse Soomaalidu weligood ku hadli jireen.
Jan 23, 1975 – Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur’aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaas Muqdisho lagu toogtey 23/1/1975.
April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu C/Laahi Yuusuf ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. [Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay]
Sept 1978 – Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya, waa jabhadii (SSF) taas oo bishii October 1981 isu bedeshey (SSDF).
Janaayo 30, 1984: Weerar diyaaradeed ee ay la beegsatay Boorama waxay ku xasuuqday 37 arday oo da
Aug 7, 1990 – Jabhadihii SNM (oo la saasay April 1981), USC (oo la asaasay 1989) iyo SPM (oo la asaasay March 1989) ayaa u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre.
Jan 27, 1991 – Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, jabhaduna ay halkaas qabsatay.
may 18,1991 Jabhadii SNM ayaa ku dhawaaqay

Fikrad Ka Dhiibo