Maxamed C/llaahi Oomaar : “Shirka wada tashiga ah ee soo socoda Muqdisho ayuu ka dhacayaa
Kadib markii uu maalin ka hor uu soo gabagaboobay kulan ay madaxdda urur goboleeydka IGAD ku yeesheen xarunta Ururka Midoowga afica rr magaladda adis ababa ayaa waxaa ka soo baxay warmurtiyeed dhigayay qodobo badan oo uu ka mid aha in shir wada tashi ah lagu qabto gudaha dalka soomaliya.
Shirkaasi oo ay horay iskugu raaaceen Golaha amaanka ee qaramadda midobay aya waxa arintaasi ka hadashay Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in la isku afgartay in shirkii wada tashiga ee horay ay u iclaamisay Qaramada Midoobay uu ka dhici doono magaalada Muqdisho waxqti aan la caddeynin.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya md Maxamed C/laahi Oomaar ayaa warbahinta Muqdisho waraysi u sheegay in ergayga gaarka ah ee Arrimaha dalka Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Dr.Augostine mahiga uu shirka IGAD ka hor caddeeyay in shirkaasi wada tashiga ah uu ka dhacayo magaalada Muqdisho, waxa uu intaa raaciyay in markii hore ay jirtay cabsi dhinaca ammaanka laga qabay Balse ay hadda suuragal tahay.
Mr C/laahi Omaar ayaa sheegay in dowladda Federaalka soomaliya iyo Urur-goboleedka IGAD ay soo dhaweeyeen tallaabadaas iyagoo sheegay in ay tahay midhoray u qaadi karta ammaanka iyo dib-u-heshiisinta dalka soomaliya gaar ahan kooxaha isku haya dhinaca siyasadda.
wararka qaar sheegaya in laga yaabo inuu shirkaasi ka dhaco Deegaanada uu ka taliyo Maamulka Puntland,gaar ahaan Puntland iyadoo sidoo kale wararka qaar iyana ay sheegayaan in ay dhici karto in shirkaasi lagu qabto dal dibadda ah, iyadoo sidoo kale Xubnaha Dowladda qaarkood ay wadaan qorshe ay iyana ku doonayan inuu shirkaasi uu ka dhaco Magaalada Muqdisho,sikastaba ha noqote waxaa la muuqanaysa in shirkan ka duwanaandoono shirkii sanad 2008/2007 lagu qabtay muqdisho ee Cali mahdi hormuudka ka ahaa.