QM oo ku baaqday in la joojiyo dagaalada Somaliya
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in la joojiyo dagaalada ka soconaya dalka Soomaaliya si loo caawiyo dad ladaala dhaca xaaladaha bini’aadanimo ee Soomaaliya.
Madaxa gar-gaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay Valerie Amos ayaa waxaa ay ku baaqday in la joojiyo dagaalada ka soconaya dalka Soomaaliya si wax loogu qabto abaaraha iyo xaaladaha bini’aadanimo ee ka taagan dalka Soomaaliya.
Valerie Amos ayaa waxaa ay carabka ku adkeysay in dagaalada ka socda Soomaaliya ay hakiyeen dadaalada ay Qaramada Midoobay ugu jirto inay wax ugu qabto dad gaaraya 2-Milyan iyo bar oo qof kuwaasi macluul iyo cun la’aan ay ku haysato Koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
“Si aan u xaqiijino wax qabadkeena gar-gaarka ah, waxaan u baahanayhay anaga iyo Hay’adaha kale ee Caalmiga ah in la joojiyo dagaalada Soomaaliya, si wax loogu qabto dadka xaaladaha bini’aadanimo haysta, ma muuqdaan saan saan ku aadan inay joogsadaan dagaalada” sidaasi waxaa yiri Valerie Amos oo ah Madaxa gar-gaarka bini’aadanimo ee Qaramada Midoobay.
Sidoo kale Haweenaydaasi ayaa waxaa ay sheegtay in Qaramada Midoobay dadaallo farabadan ay ku bixinayso sidii jawaab dag dag ah ay ugu bixin laheyd dadka ay saameeyeen abaaraha ka taagan Soomaaliya gaar ahaan dadka la daala dhacaya cuno la’aanta iyo dadka qaba cudurada faafa oo uu ka mid yahay shubanka.
Ugu dambeyn ayaa Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in dowladaha Afrika gaar ahaan wadanka Soomaaliya ay kala shaqaynayaan sidii looga samata bixin lahaa dadka u geeriyoonaya abaaraha iyo macluusha ka jirta dalka Soomaaliya.
Hadalkaani ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo gobolada ku yaala Koofurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ay ku dhufteen abaar tii ugu xumeyd muddo 10-sano ah taasi oo ay walaac ka muujiyeen guud ahaan Hay’adaha gar-gaarka Caalamiga ee ku shaqada leh wax u qabashada dadka ay saamayeen musiibooyinka abaaraha.