|

Odayaasha Hawiye oo soo dhaweeyay hadalkii Al Shabaab

Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa waxa ay soo dhaweeyeen hadalkii kasoo yeeray Al Shabaab ee ku aadanaa in dadka muslimiinta iyo kuwa aan aheyn in ay gar gaari karaan dadka ku dhibaateysan Somaaliya.

Kadib markii Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage (Cali dheere) uu sheegay in ay fasaxeen Al Shabaab hey’adaha gar-gaarka ee ka howgali jiray degaanada ay ka taliyaan ayaa Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye waxa ay soo dhaweeyeen go’aanka ay qaateen Xarakada Al Shabaab.

Afhayeenka Odayaasha dhaqanka Beelaha hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo la hadalay Idaacada Shabelle ayaa waxa uu tilmaamay in baahida iyo abaarta ka jirta gobolada Soomaaliya gaar ahaan meelaha ay ka taliyaan Al Shabaab ay timid kadib markii Al Shabaab ay go’doomiyeen Shacabka, waxaana sidaasi daraadeed uu sheegay in ay soo dhaweynayaa hadalka kasoo yeeray Al Shabaab.

Nabadoon Axmed Diiriye Cali waxa uu sidoo kale ugu baaqay Hey’adaha samafalka in sida ugu dhaqsiyaha badan ay gar-gaar ku gaarsiiyaan dadka danta yare ee ku dhibaateysan degmooyinka ay ka taliso Dowladda KMG waxaana nabadoonka uu shaaca ka qaaday in aysan jirin iminka cid Hey’adaha ka hortaagan in ay dadka ugar gaaraan isgoo ka codsaday umada Soomaaliyeed in ay wax u qabataan dadka tabaaleysan.

Marka laga soot ago hadalka kasoo yeeray Odayaasha Hawiye ayaa hadana gobolo iyo degaano ku yaala koofurta iyo bartamaha Somaaliya waxaa ku dhibaateysan kumanaan qoys kuwaasi oo ay heysato gaajo iyo haraad ka dhalatay abaarta.

Degaanada ay ka taliyaan Xarakada Al Shabaab bartamihii bishii September waxa ay Al Shabaab ka mamnuuceen qaar ka mid ah Hey’adaha samafalka kuwaasi oo ay ku eedeeyeen in ay ka shaqeeyaan arimo aan quseyn gar-gaarka hase ahaatee Afhayeenka Al Shabaab Cali Dheere oo la hadalay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in ay u fasaxeen dadka muslimiinta ah iyo kuwa aan aheyn ugar gaarida dadka tabaaleysan.

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo