maxaa ka jira hub loo waday Shacabka Dulman ee Reer Laascaanood in Maamulka Gobalka Nugaal uu la wareegay ka dib markii lagala tashaday Issimada
Bishii Juun 30 keedii waxaa Buurtinle lagu qabtey hub nooca fudud ah oo loo wadey gobolada Sool iyo Ceyn, Dad badan ayaa iswaydiinaya meesha hubkaas iyo ragii wadey ku dambeeyeen. Puntlandi.com ayaa maanta u kuurgaley meesha uu ku dambeeyey hubkaan.
Hubkaan markii ugu horeysey ee la qabtey waxaa lagu xirey nimankii wadey iyo hubkiiba saldhiga Bileyska Degmada Buurtinle, wuxuu halkaas yaaley maalin iyo bar, waxaa ka dib loo dhaadhiciyey Garowe, hubkii iyo Ragii wateyba.
Hubku wuxuu ahaa hub lagasoo gadey Gaalkacyo iyo koonfurta Gaalkacyo, waxaana iska lahaa jabhada SSC, Waxaana la cadeeyey in hubkaan oo kale uu dhowr jeer gudbey iyadoon cidna ka war helin.
Hubkii la qabtey 30 juun waxaa markiiba la wareegey Ciidamada Amaanka Puntland Sidaas ayaana Ciidanka Puntland hubkii kula wareegeen , ragii wateyna xabsi ayaa la dhifey, walina waa socdaa kiiskoodu.
Warar hoose oo aan ka helney dhinaca Ciidanka waxay noo cadeeyeen in hubkaan loo wadey Deegaanada Gobolka Sool, la wareegidiidsana lagala tashadey odoyaasha deegaanada Gobolka Ceyn.
Dhinaca Dowlada Puntland way ka gaabsadeen iney ka hadlaan qabashada hubkaa.
xigasho puntlandi