Dhiranata Faroole iyo Dhaga nuglanta Dr Gaas waxay dhalin kartaa dhagar sukeeye dhaxdiisa ah
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa safarkii u horeyay isagoo Ra’iisul Wasaare ah ugu ambabaxay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo lagu wado inuu kula kulmo Hey’adaha sama falka iyo kuwa deeqaha bixiya, iyadoo socdaalkiisan ay ku soo aadeyso, xilli abaaro daran ay dad fara badan Gobolada ay uga soo barakaceen.
Sida ay sheegayaan wararka Ra’iisul Wasaaraha oo hogaaminayay Wafdi waxay maanta ka ambabaxeen garoonka diyaaradaha Muqdisho, sida ay u xaqiijiyeen B.post.com ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare C/wali Gaas ayaa shalay kula kulmay Xafiiskiisa qaar ka mid ah Hey’adaha sama falka, gaar ahaan kuwa Qaramada Midoobey oo uu kala hadlay sidii loo gar gaari lahaa dadka abaaraha ku dhibaateysan ee uga soo cararay Goboladooda.
Xukuumadiisa ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii xaaladaha bani’aadanimo ee xilligan muuqda wax uga qaban laheyd, waxaana Muqdisho ku soo qul qulaya boqolaal qoys oo Abaaraha ay ceeyrteeyeen, iyagoo Magaalada u soo galaya si ay u helaan caawinaad.
Gudi heer wasiir ah oo dhowaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku howlan sidii dib u dejin iyo gar gaar loola gaari lahaa dadka ay macluusha darani ka muuqato ee Magaalada Muqdisho soo galaya saacadba saacada ka dambeysa.
Waxana isna Nairobi ku Sugan Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan iyo Wafti uu Hogaaminayo walow la sheegay inay iyana Safar ku Joogaan Madaxwaynihii Gal-Mudug.
Ilo wareed ayaa sheegaya in Faroole iyo Raislawasaarahu ay Nairobi isku arkayaan Waxana Horay u jirtay in Faroole Xuskii Maalintii 1-Luuliyo uu Garoowe ka sheegay in Wasiiarda Cusub Lagala Tashado Faroole.
madaxweynaha maamulka ka arimiya Garoowe C/raxmaan faroole ayaa guluf xoogan ugu jira sidii uu isu hortagai lahaa masiirka beelaha dhulbahante iyo laylakase c/raxman faroole ayaa si cad u shegay kal hore markii Ra”iizul wasaare Farmaajo ku dhawaaqay golaha Wasiirada in Puntland laga bililiqaystay 2 Wasiir oo ay kala qateen beelaha Dhulbahante iyo Layl kase
beesha dhulbahante oo ad moodo hada inuu kasoo dhamanayo dulqadkii ay u dulqadanayeen hagar damooyinka uu ku hayo Faroole ayaa hada waxad mooda inay aad u fududahay inuu dhaco isku dhac dhex mara beelaha walalaha ah ee harti mada Faroole uu si cad iyo si qarsoona u hagar damaynayo si joogto beesha Dhulbahante waxaana arinta dusha ka wadanaya beesha Majeertan oo uu kasoo jeedo Faroole isku soo wada duuduuboo hadii DR Gaas u hogaan samo amarada c/raxman faroole waxa ka dhalain kara arin cawaaqib xumo salka ku haysa waxa fudud inuu qarxo dagal dgex mara Beelaha rer Puuntland maamulka kaligii taliska ah ee Faroole oo ahda gacanta ku haya in ka yar 10km oo ay ku fadhido Magalada garoowe ayan matalin Masiirka beelaha Puntland
Ilama ah in harti isku dilayo wasiir aalasheekh oo lagu bedeley mid aan ahayn oo labadooduba ku imaan rabitaanka dhulbahante oo isba hore uga qaadey si dacaayad iyo munaafaqnimo ku jirto kii ka horeeeyey. markaa ninka warkan raqiiska ah ee aan bisleyn meesha geliyeyooy raali ahaw calafkaaga sug haku darin tii hore mid ka liidatee.