|

Baarlamaanka Shiriif Xasan Shiikh Aadan oo ansixiyey heshiiskii Kampaala

Xoolihii Shiriif Xasan (Baarlamaanka TFG)

Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxa ay ku ansixiyeen heshiiskii magaalada Kampala ay ku gaareen Madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya.

Kulankani oo maanta ka dhacay Xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho islamarkaana ay ka qeyb galeen Xildhibaano gaaraya 436-Mudane ayaa waxa uu ajandihiisu ahaa ka doodista heshiiskii labada Shariif ee dowladda ay ku gaareen magaalada Kampala ee dalka Uganda kaasi oo uu shir gudoominayay Gudoomiayaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada barlamaanka oo kulanka ka hadlay ayaa waxa ay si wayn uga doodayeen ansixinta heshiiskaasi, waxaana qaar ka mid ah Mudanayaasha ay ku doodayeen inay wanaagsantahay in la ansixiyo heshiiska Kampala halka kuwa kalana ay kasoo horjeesteen heshiiskaasi.

Xildhibaan Max’ed Cabdi Yuusuf oo ka hadlay madasha ayaa waxaa uu sheegay in ansixinta qodabadii kasoo baxay heshiiskii magaalada Kampala uu yahay mid aan waafaqsaneen sharciga islamarkaana ay tahay qalad laga galayo qaranimada iyo jiritaan Umada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade oo isna ka mid ahaa  Mas’uuliyiintii ka hadashay kulanka ayaa waxaa uu sheegay in uu soo dhawaynayo Ansixinta qodabadii ay ku heshiiyeen Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha barlamanka ee lagu gaaray magaalada Kampala madaama sida uu sheegay ay tashan waayeen Mudanayaasha barlamanka waxaa sidaasi awgeed uu tibaaxay inay wanaagsantahay in loo taliyo Xildhibaanada.

Dood dheer iyo falanqayn kadib ayaa Gudoomiyaha barlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu soo jeediyay in codeynta laga dhigo gacantaag, waxaana intaa  ka dib codeyn loo qaaday Xildhibaanadii ku kala aragti duwanaa arinta  ansixisay heshiiska Kampala ,Xildhibaano gaaraya 390-Mudane, halka 36-kalana ay kasoo horjeesteen ansxinta heshiiska Kampala iyadoo ay ka aamuseen 9-Xildhibaan sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha barlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo soo xiray kulanka.

9-kii bishii lasoo dhaafay ee Juun ayey aheyd markii magaalada Kampala heshiis ka kooban 10-qodob ay ku gaareen Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha barlamanka kaasi ka sakow ansixinta Xildhibaanada ay kasoo horjeesteen qaybaha kala duwan ee bulshada oo banaanbaxyo ay ku diidan yihiin heshiiskaasi  ka dhigay magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo