Mudaharaad Balaadhan oo laga soo hor jeedo maamulka Siilaanyo ayaa saaka ka dhacay magaalada Buuhoodle
Mudaharaad Balaadhan ayaa saaka kadhacay garoonka kubada cagta ee magaalada buuhoodle, mudaharaadkaas oo laga soo horjeedo maamulka lamagac baxay soomaaliland, mudaharaadkan ayaa waxa uu ku saabsan yahay hadal ay yidhaahdee niman u dhashay Gobolka cayn oo wareysi siiyay wargeyska Haatufnews ee kasoo baxa magaalada hargeysa.
Mudaharaadkan ayaa waxa kasoo qayb gashay Dadweyne aad utiro badan oo isugu jira isimo, cuqaal, odayaal iyo ururada dhalinyarada iyo haweenka, mudaharaadkan ayaa waxa uu siweyn uga qabsoomay maanta magaalada buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn.
Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Xaaji Maxamuud X. Cumar hadaladiisina waxa kamid ahaa anagu hadaan nahay waxgaradka reer Buuhoodle, wiilasha yaru nama matalaan mana yeelayno waxa ay wataan, anagu waxa aanu doonaynaa hadii ay soomaaliland doonayso Nabad cadaalada iyo sinaana oo aan Gumaysi kujirin anagu diyaar baanu unahay, Hadii aysan doonayna anaguna madoonayno diyaarna umanihin.
Ugu dambayntiina waxaa halkaasi kahadlay Garaad Saleebaan Buraale oo Baaq nabadeed udiray maamulka la magacbaxay soomaaliland iyo Beesha Caalamka, mudaharaadkani waxa uu muujinayaan shucuurtayada anagu waanu kutaageersanahay mudaharaadka ay saaka soo bandhigeen.
www.buhodlepot.com