|

SSC,Maxaad Hawl U Qabataa

Taariikhda dadka ayaa sameeya. Waa in qof walbaa is weydiiya,horta maxaad SSC hawl u haysaa(qabataa). Maxaa la yidhi ha lagu bedelo maxaan qabtay anigu-qof walbow waa adiga.

Tiro,aqoon,maal iyo xoog ina kuma yara,waa inaad ka baxdaa inaad hawsha ka sugto cid aan adiga ahayn.

Waxaa la yidhi ninkaad kaba ka tulanaysid horta kabihiisa ayaa la eega,yacni lagu cibaaro qaataa,hoos ka bogo ishaysiga intii hore xaq-darrada ugu heshiisey,isna warso bal booska cid aan SNM u dhalan uga bannaan:-  

Labadan link ayaa su’aashaas kaaga jawaabi doona:-
 
 
 

Daydayga SNM ee gobolada Harti(SSC iyo Warsangeri),Awdal State u jooga aargoosiga,baadhashada iyo fidinta fawaaxishka iyo dhaqan xumada,
linkan hoose ka eeg,duruufaha ay ku jiraan:-
 
Waadigakan liitee leexadu ku sidatee hadba laan cuskanayee,aawey doonsitaadii,ku dhisnyad dulmiga.
 Jawaab waxaa kuugu filan linkan hoose:-http://www.jamhuuriya.info/view_article.php?article_id=16721.
 
Maamul wanaag sharci iyo kala dambayn baa ka jirta gobolada Togdheer iyo Waqooyi Galbeed Somalia,sida ay u tahay been la buunbuuniyey
 
Soor qudheed nin cunay,ceeb u dhiman ma jirto. Hebel baa halkeer tegey iyo haybta kala sooc. Wax ka qiimo roon inaad ubadkaaga dhaxalsiiso dhul hooyo oo ay haybad ku yeshaan ma jirto,Halganka naftaada ka bilow,iska saar niyad jabka,wahsiga,cabsida,bakhaylnimada,hadalka hoo ku bedel,waqtiga,aqoonta,juhdiga intaba u hur xaqa daalim rabo inuu kaa meersado.
 
Horgal,Heeraniyo Hoosgal iftiimi qaladkooda,hasse ku mashquulin ee gacanta gadaal ka soo riixaysa,taas baa ah cadowga koowaad,iyada yoolka ku aaddi.  Hawsha maanta qabasho aan ka maarmin,berri ha u dib dhigin,cid gaari doonta ma ogid,shallayto ayaa laga dhaxlaa taas.
 
SSC gebi ahaanba ha joojiso isu fiirsiga soke,dunida ma jiro guri in gubtaa aysan dhex oollin. Laba darran mid dooro,ayaa la yidhi,wax kasta oo xun wax ka sii xun baa jira,waqti kasta oo adag mid ka sii adag baa jiri kara.
 
 SSC inteeda aan SNM weli ku soo fidin,waxaa tusaale ugu filan waxa ehelkii reer Laascaanood haysta,waxaa eg in horta inta xorta ihi ay iska caabiso dhagarta ay SNM jeerba ku kacdo,iyo in loo hawlgalo sidii tolka Laascaanood ku hadhay loo xorayn lahaa,intii ka qaxdayna loogu soo celin lahaa. In dulmiga laga feydo,qoyska,ehelka iyo deriska waa dagaal abid furan,ruux kasta oo iimaan lehna waajib baa ka saaran.
 
Yididiilo badan baa muuqta,waa intaas oo looga sii dhawaado. Waxaan bogaadin u dirayaa beelaha Naalaye Axmed iyo Jaamac Siyaad ehelnimadan ku dayashada mudan ee ay ku hawl jiraan. Waxaan mar labaad bogaadin u dirayaa codka Qaranka Soomaaliyed Saado Cali Warsame iyo aqoonyahan Hodan Nalayeh hawshan qiimaha iyo qadderinta mudan ee ay ku talaabsadeen. SSC waa guul iyo khayr baa u soo beryey yaan loo kala hadhin,qof walbaa awooddiisa,aqoontiisa iyo damiirkiisa ha ku hawlgalo.
 
 
by  M.H.Buraleh
 
 

Fikrad Ka Dhiibo