|

Maamulka Puntland oo shir ka yeeshay sidii deegaamada SSC ee aan Somaliland joogin looga hirgalin lahaa adeegyada Maamulka

Kulan lagu soo qaaday waxka qabashada  amaanka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland ,kulankaas oo ay ka qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Dawlada Faroole ayaa ujeedadiisu ahayd sidii looga arinsan lahaa  amaanka gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn Kulanka  oo soconayey mudo labo maalmood  ah ayaa la sheegay in xubnaha ka qayb galaya ay doonayaan in la abaabulo ciidamo   ka shaqeeya xaqiijinta amaanka, waxaana Wararka ay intaasi ku darayaan in kulanka maanta ay goob joog ka ahaayeen Wasiiro iyo Xildhibaano kasoo jeeda degaanada gobolada SSC. Maamulka Garoowe ayaa gabi ahaanba ka shaqayn deegaamada SSC ee ka mid ahaa Maamulkii Puntland inta badan gobalka Sool ayaa gacanta ugu jira Maamulka Somaliland oo rabitaan la’aan ku jooga Caasimada Sool ee Laascaanood.

labadii  xukumadood  ee ugu dambeeyey ayaa iska indha tiray in ay wax u qabtaan Dadka Reer Laascaanood oo dhibaatooyin badan uu ku hayo Maamulka Hargaysa,Maamulkii Cade Muuse Iyo kan Faroole ayaa Tuulada Tukaraq u Isticmaala Caasimadii  Gobalka Sool  laakiin  macnahaan Tukaraq waa Frontlin  la ga difaaco magaalada Garoowe oo qayb ka mid ahi ay soo galayso xadka Maamulka Hargaysa ku doodayo,Agaasimaha Wasararadda  amniga Maamulka  Faroole Cali Max’ed Cali oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in kulanka looga hadlayay sidii Puntland ay u sugi laheyd amaanka goboladaasi,  isgoo hadalkiisa intaa ku daray in la wado qarshe lagu abaabulayo ciidamo iyo Waxgarad arintaasi gacan ka gaysta.

Gobalada SSC ayaa noqday meel aan degenayn oo dadkeedu ku jiro dhibaato iyo barakac la mid ah kan ka jir Koonfurta Soomaaliya,iyadoo caalamkuna uusan jawaabka bixin  dhibaatada lagu hayo shacabka SSC, Dr. C/raxmaan Faroole ayaa ka soo horjeesay dagaal lagu soo furto Shacabka Laascaanood isagoo taas ku micneeyey in aysan hayn awoodii ay ku dagaal gali lahaayeen islamarkaana tilmaamay in marka hore la mideeyo  aragtida Reer Laascaanood waxaan taas bedelkeedii weerar ku qaaday jabhad MR. Atom  oo ka mid ah   oo tuulada Galgala qabsatay,iyadoo aan lagu xidhin dagaalka in la helo awood ciidan iyo in la mideeyo aragtida Beesha warsangali.isku soo wada duuduub oo waxaa muuqata in aysan jirin qorshe Maamulka faroole uu kaga jawaabaya soo celin Laascaanood.

www.buhodlepost.com

1 Response for “Maamulka Puntland oo shir ka yeeshay sidii deegaamada SSC ee aan Somaliland joogin looga hirgalin lahaa adeegyada Maamulka”

  1. waryaa qoladiinan Buhodle sheeganaysa wax un baad caayayeysaan

Fikrad Ka Dhiibo