Magacaabista Golaha Wasiirada cusub oo weli caqabado fara badan ku hor gudban iyo khilaafka labada Shariif oo mar kale soo baxay
Iyadoo muddo ka yar shan maalmood ay ka harsan tahay xilliga sharciga u ogol yahay Ra’iisal Wasaare C/Weli Maxamed Cali Gaas inuu ku soo magacaabo Golihiisa Wasiirada cusub, waxaana dhowr goor hakaday magacaabista Golaha Wasiirada cusub kaddib markii madaxda sare ay isku khilaafeen awood qeybsiga xukuumadda cusub.
Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka soo xiganay ilo wareed ku sugan xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare
C/Weli Maxamed Cali uu qarka u saaran yahay inuu iska casilo xilkaasi, kaddib markii Madaxweyne Shariif Sh. Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan ay isku mari waayeen awood
qeybsiga Wasaaradaha xukuumadda cusub, iyadoo khilaafka labada mas’uul uu soo jiitamayay tan iyo markii ay wada saxiixeen heshiiskii Kampala
dalkana ay dib ugu soo laabteen.
Khilaafka labada Shariif oo maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhayay, ayaa waxa uu iminka marayaa halkii ugu sareeyay, bacdamaa ay isku mari waayeen qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda cusub oo Shariif Xasan uu doonayo inuu isagu soo xusho Wasiirka Wasaaraha kala ah: Wasaaradda Maaliyadda, Gaashaandhigga iyo Wasaarado kale.
Is qabqabsiga labada Shariif ayaa la sheegayaa inay caqabad ku noqotay in la magacaabo Golaha Wasiirada cusub, taasi oo keentay in Ra’iisal Wasaare C/Weli uu u gudbiyo xafiiska siyaasadda QM u qaabilsan Soomaaliya ee ku yaalla magaalada Nairobi.
Danjire Augustin Mahiga ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya oo dhowaan Muqdisho yimid ayaa soo dhex galay xiisadda ka oogan labada Shariif, iyadoo kulamo kala gooni gooni ah oo Mr. Mahiga la yeeshay Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha uu ku guuleystay in xukuumadda cusub loo daayo tiradoodii hore ee 18-ka Wasiir ka koobneyd.
Ra’iisal Wasaare C/Weli Maxamed Cali Gaas ayay sheegayaan warar hoose oo aanu ka helnay xafiiskiisa in haddii muddo 24-saac gudahood ah lagu soo afjari waayo khilaafka labada Shariif uu iska casili doono xilka Ra’iisal Wasaarenimada, hase yeeshee xubno ka tirsan Dowladda oo iyagu isaga dab qaadaya labada Shariif ayaa ka codsanaya Ra’iisal Wasaaraha
inuusan ku degdegin is casilaadiisa.
Isse Ahmed Soofe
Buhodlepost.com
