Faysal Cali Waraabe oo laga saaray qalcadii ugu dambaysay
murankii u dhexeeyey Faysal Cali waraabe iyo Xukuumada Siilaanyo ayaa galay jawi dhexdhexaadin ay wadaan qaarka mid ah odayaasha Magaalada Hargaysa sida la sheegay dhexdhexaadintaas ayaa waxaa ka soo shaqeeyey Wasiirka gudaha ee Maamulka Siilaanyo Dr. Gaboose,iyadoo la filayey in Maalinta Isniinta ee 1 da Bisha Ramadaan ay bilaabmi doonaan banaaxbaxyo ay soo qaban qaabiyeen taageerayaasha Faysal Cali waraabe,odayaasha ayaa ka ballanqaaday Faysal in ay furaha xafiiska yu keenayaan mudo aan fogayn,waxay odayaashu codsadeen in la dejiyo xaalada oo saacadihii la soo dhaafay aad u cakirnayd,khilaafka ka dhex bilowday X isbiga Ucid ayaa loo aanaynayaa in uu lug ku leeyahay Axmed Siilaanyo oo uu dabada ka riixayo Aadan Waqaf oo beeshiisa ah iyo Cirro oo danaynaya inuu helo Kursi ka sareeya kan uu haysto,talaabadan Faysall Cali Waraabe lagaga qaadayo Xilka Gudoomiyaha ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ama dhufiayskii ugu dambayey ee laga saaro Beesha Garxajis, Faysal Cali waraabe oo ahaa Gudoomiyihii koowaad ee Xisbiga Ucid ayaa ku fashilmay inuu ku guulaysto kursiga madanweyne nimada ee Maamulka Somaliland oo tirraba Sedex jeer isu soo taagay mushaxar madaxweyne,Faysal Cali waraabe ayaa lagu yaqaanaa inuusan lahayn mowqif iyo hal adaynimo waxaana lagu tilmaamaa inuu yahay Laaluush qaate qayaameeya saaxiibadii isaga oo lagu sifeeyo inuusan xusuus fiican u lahayn dhacdooyinka Siyaasadeed.
Ururka Faysal Cali Waraabe ee Ucid ayaa lagu Naanaysaa Uci waxaana la sheegaa inuu xiligii ina Cigaala ahaa dhabar jebin Max’ed Ibraahin Cigaal uu ku sameeyey qolyaha Bariga isagoo siin jiray mushhahar ka badan kii ay qaadan jireen wasiiradii Cigaal,sidoo kale Daahir Rayaale ayaa isna u qoray mushahaaro la mid ah taas uu ka qaadan jiray Dawladii Cigaal.Axmed Siilaanyo iyo Taagerayaashiisa oo hada la baxay Isbahaysiga Dooxada Gabiley iyo Bariga Burco ayaa dejiyey farsamooyin cusub oo ay kula wereegayaan Xisbiga UCid oo ah godkii kaliya ahaa ee u hadhay Beesha Faysal,beesha Garxajis ayaan la hayn meesha ay jaan iyo cidhib dhigtay tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii ay wada galeen Garxajis iyo Suuf aloolka 1995 yadii, dagaalkaas oo sababay dhimasho barakac weyn,iyadoo ugu dambayntiina la masaafuriyey Siyaasiyiintii Beesha Faysal Cali waraabe oo lagu magacaabay Khaa’imiin,Siyaasiyiintaas oo ay ugu magac dheeryihiin Prof.Ismaaciil Hurre Buubaa,General Jaamac Max’ed Qaalib,Yuusuf Dheeg,Cismaan Jaamac Kalkuun Caydiid ilka Xanaf dhamaan siyaasiyiintaas ayaa lagu eedeyey in ay yihiin khaa’inu wadaniyiin waxaana badan kooda laga mabnuucay in ay soo caga dhigaan magaalada Hargaysa,Is bhaysiga Habarxabuusheed iyo H.Awal ayaa ka soo bilaabmay xiligii ina Cigaal iyadoo dagaalkii Habraha ee 1994 kii uu ka bilaabmay hanti goosi dekada Berbera iyo Besha Ciida gale oo qabsatay cashuurta Airport ka Hargaysa,Muuse Biixi ayaa noqday Ninka ugu macangagsan ee Kooxda Snm isagoo laga qoray hadalo aad u xun,islamarkaana Madaxweyne koowaad iyo gudoomiyihii SNM si ula kac ah u toogtay ama xabad ugu riday isagoo fadhiya xafiiskiisa Hargaysa ama Guriga Moorgan.
C/raxmaan Axmed Cali Tuur ayaa noqday mas’uulkii ugu horeeyey ee sheegta Madaxweyne Gobaladaasi ee si anshax darro ama arxan darro ah xabad loogu rido,xidhiidhka Awal iyo xabuush ayaa mar labaad soo xoogaystay ka dib markii uu Daahir Rayaale soo dhawaystay Beesha Habaryoonis inkasta oo Beesha Ciise Muuse ay ka saydhantay Isbahaysiga Awal-Habrxabuush Axmed Siilaanyo Muuse Biixi ,Khadra Max’uud Xayd iyo Xubno kale oo Habarjeclo ah ayaa toos uga shaqeeya soo xulida xubinta u matalaysa kursiga TFG EE Beesha Isaaq,iyagoo in badan xaawilay in ay Raiisalwasaare ka dhigaan Max’ed C/laahi oomaar,si kastaba arintu ha u dhacdo ee waxaa la filayaa in Faysal Cali waraabe qaadan doono Lacag ku soo foolleh oo uu bixinayo Axmed Siilaanyo taas oo lagu furfurayo ama laga hortagay kacdoonka dhan ah xukumadiisa Siilaanyo,waxaana la filayaa in dhawaan uu soo dhamaado khilaafkaasi.
Alle ka yaab waad dhimanaysaaye!
faysalow maad u tanaasushid sida uu daahir riyaale u tanaasulay. hala iman sheekadii hargeysa ka dhacday waagii hore ee laba goorbaad talada haysay kolkaa maanta way kaa dhamaatay dee xisbigana guul u keeni maysid ee iska dhiib wa intaas oo la helaa nin xisbiga gaadhsiiya kalinta kowad. wayo qudbadihii ugu dambeeyay ee aad samaysay saas uma kululayn huuno. u daa raga kale waa laga yaabaa inay kaaga firfrcoonaadaan arrimahan soo bandhigida barnaamijka xisbiga ee ololaha. waa intaasay result keenaane. ha noqon kaligiis taliye ee taladana dadka kalena u ogolow walaalo.