|

YALAXOW MEEL WALBA WAA JOOGAA

Waxaan aad ula yaabay markaan maqlay marar badan, Qudbadaha, Waraysiyada iyo Hadalada Gudoomiyaha kursigisii la isugu yimid ee Xisbiga UCID, Mudane Faysal Ali Warabe, waxaa iga qosliya, qaabka uu ninkan siyaasiga ahi u hadlo, iyo isrog-rogiisa siyaasadeed oon dhowr jeer arkay isagoo waxuu mudo yar ka hor lahaa, ama sheegay, wax ka bedelan ku hadlaya, sidaas awgeed ayaan u gartay inaan ugu yeero Naanaystan “Mr Yalaxow”, maadaama uu dhinacyo badan ka shabaho Yalaxowga Muqdisho.

Waxaa wax lala yaabo ah inuu qof kale ku eedeeyo Urur uu burburintiisii isagu ka shaqeeyey, ka dib markuu diiday inuu wareejiyo xilka hadii wakhtigii ka dhamaaday, sidoo kalena yiraahdo Ururkan Gobol baa laga leeyahay; waxaa iyana wax lagu qoslo ah raga magaca weyn bulshada ku dhex leh ee weliba rabitaan jago ninkani siiyo ka sii fekeraya ee xiligan xeedho iyo fandhaal kala dhaceen uu xilalka u magacaabay naruuro mooday, iyo kuwa intay isugu yimaadeen burburiyey sharcigii Xisbiga u deganaa ee Faysal dib u magacaabay.

Waxaa xusid mudan oo hadaladiisa aan sida ka fiirsashada lahayn afku ka boobo ka mid ahaa “SSC baa iga dhex dilaacday”, waxuusan fahmin siyaasigani waxay SSC rabaan oo ah inay goboladooda u madax-banaanaadaan, oo ay ka soo horjeedaan in isagoo kale xil u qabto ama maamulo; sidoo kale ayayna ragan xafiiskiisa la wareegay oo ahaa Gudigii Fulinta ee Xisbigii UCID, ay arkeen aragtida gaaban ee gudoomiyahooda, ee gobolaysiga ku salaysan iyo isagii oo diiday inuu waqreejiyo xilkii, maadaama wakhtigii ka dhacay, xilkiina waxuu u mooday Mr Yalaxow xoolo uu isagu leeyahay “Anigaa leh”, miyuusan ogayn in bulshadu waxaas aad uga hor-martay.

Yalaxowga Muqdisho ayaa Madaxweynihii xilka u sharaxnaa oo ahaa Abdullahi Yusuf ku yiri, “ Kabo kaa waaweyn baad rabtaa inaad gashato “, isagoo ula jeeday xil aad qabanaysaa ma jiro, waxaase dhacday inuu Abdullahi Yusuf madaxweyne noqday, ka dib baa Mr Yalaxow lagu yiri, waar ninkii kabihii gashay, markaasuu ku jawaabay, “Gashaye xaguu kula socon”, waxaase xigtay inuu isagii kula dul socdo, Waxaan ula jeedaa intuu Wasiir ka dhigtay buu u shaqeeyey.

Faysalna waxaa iskaga khaldamay waxa shakhsi ama qabiil ama gobol leeyahay iyo waxa Ummada ka wada dhaxeeya, waana tan keentay inuu xataa uu handado oo isku dayo inuu cabudhiyo saxaafadii xorta ahayd, “Lamagama hadli karo raggan cusub ee xafiiskii boobay”, cidii ka hadashana waan xirayaa, bal ka warama kanoo Madaxweyne noqda iga walaan cidi u tag hesheen, dadkoo dhan waxuu xir-xiro iyo waxuu cabudhiyo ayuu ka dhigi lahaa. Balse dadka oo xaga gobolaysiga aad uga koray ayaa keentay inuu xiligii doorashooyinka xataa uu ka cod yaraado xisbigii la nacay ee talada wadanka hayey ee UDUB, waar miyaa la ogaa inuu tan oo kale soo wado.

Haduu dastuurkii Xisbigiisa bur-buriyey, oo yiri dib ii doorta si aan sharciga waafaqsanayn, ma xil kan ka weyn buu ka degi lahaa, bal dib ha isu dhegaysto waraysi uu warbaahintu ka qaaday oo lagu weydiiyey, hadii xiligaagu dhamaado xilka ma ka degaysaa?, waad xasuusataan jawaabtiisii. Waxaa iyana fiiro u baahan kuwa dantii guud ka doortay tan shaqsi ee baalaha kaga jira eeku leh Gudoomiye.

Waxaan rabaa inaan xuso in xisbiyada la furanayaana sidan oo kale noqonayaan, oo mid waliba Xisbi uu iska leeyahay doonayo, haduu daacad yahay oo karti iyo waxqabad leeyahay maxuu kuwan jira ula shaqayn waayey, xaqiiqdu waa “Kuwana beeluu uga cararay, mid uu beel ahaan u yeeshana waa rabaa”.

Waxaan u waraysi tegay waxa xisbigii UDUB shirarkiisii u farmi la’yihiin, oo Ina Riyaale xilka uu u wareejin la’yahay, waxaa jawaabtii noqotay, “Inuu Burco iyo Hargeysa ku wareejiyo dooni maayo oo labada xisbi ee kalay leeyihiin”. Sheekaba haday bilaabantay, kowna lama joogo. KULMIYE, odaygu intuu rabayna waa helay oo kursigan buu mar u ciil qabay inuu salka saaro, balse hadii uusan ku fariisan lahayna ta ka dhacda taariikhdaa ka faaloon lahayd.  Hadaba waxaa loo baahan yahay marka waxan oo kale dhacaan in si deg-dega looga hor tago, waxaa kaloo loo baahan yahay in laga barto in xilku yahay Masiibo laga ducaysto, balse aanan lagu ducaysan inaad wax xukunto.

Waxaan qoraalkayga ku soo gaba-gabaynayaa, si Ummadan mustaqbalkooda loo badbaadiyo, yaanan qofna khalad lagu taageerin, Dowlada waxaa saran waajib ah inay Amniga sugto oo qalalaasaha iyo kuwa wadaba ka hor tagto, Raggan kursiga isku hayana waxaa la gudboon inay dacwadooda Maxkamada u gudbiyaan iyagoo ku lifaaqaya nuqul sharciga Xisbigooda ah, Maxkamadana waxaa waajib ka saran yahay in iyadoo tixgelinaysa waxa nimankani wada qorteen, ee heshiiska ku ahaayeen inay si cadaalad ku salaysan u kala xukunto, fulinta go’aankeedana u xilsaarto Hayadaha iyo Shaqsiyaadka ay qusayso; hadaan si isku duubni ah looga hor tegin khilaafkana waxuu saamayn weyn ku yeelan doonaa Xisbiyada kale iyo kuwa hadeerto soo midiyo lisanaya.

Qasim A Saleebaan

kasslmn@aol.com

Fikrad Ka Dhiibo