Boqor Cismaan Buur Madoow oo ka mida hogaamiye dhaqameedyadda ugu caansan ,uguna miisaanka culsu Salaadiinta Somaliland ayaa markii ugu horeeysay Iclaamiyay dagaal ka dhana Xukumadda Axmed Siilaanyo.
boqor Cismaan Buur Madoow oo Wareeysi dheer siiyay Caawa Wargeyska Waaheen ee ka soo baxa Magaaladda Hargeysa wuxuu sheegay inay Somaliland la wareegeen Al-Shabaab iyo Bilis Xaawaleey heshiis hoose wada galay.Dagaal ayaan wajaheeynaa si aan Somaliland uga xoreeyno Argagixisada qabsatay sidaas darteed waxaan dalalka deriska sida Ethiopia iyo Jibouti waydiisanayaan inay Xoogaga xaq u dirirka Somaliland wasiduu hadalka u dhigaye gacan siiyaan,waxaan sidoo kale SSC,Puntland,Galmudug iyo Xoogaga Ahlusuna ugu baaqayaa inay Jihaadka lala gelayo Xulufadda Siilaanyo nagu gacan siiyaan”ayuu yiri Boqor Cismaan Buur Madoow.Boqor Buurmadoow wuxuu sheegay in Silaanyo yahay nin maskixiyan liita sidaas darteed looga baahan yahay bulshadda Somaliland inay badbaadiyaan jiritaankooda .
“Beesha Caalamka waxaan ugu baaqeeynaa inay xanibaad dhinaca Safaradda iyo dhaqaalaha saaraan Xulufadda Siilaanyo maadama ay Qatar ku yihiin Nabadgelyadda gobolka,waxaana si gaara ula hadlayaa Dowladda Ethiopia iyo Jibouti oo looga baahan yahay inay feejignaan dheeriya lahaadaan”ayuu hadalkiisa ku daray boqor buur madoow.
Mar uu boqor buur madoow ka hadlayay Caafimaadka Axmed Siilaanyo wuxuu yiri “ Shacabkii waqooyi galbeed oo macluul la ildaran Ninka leh Somaliland waxaa u soo go’ay bariis fara badan oo Caawimaad uma baahna miyuu Caafimaad qabaa adeer,waxaan kuu sheegayaa dalka waxba kama oga waxaana la wareegay talada Al-Shabaab iyo Bilis Xaawaleey”
Boqor Cismaan buur Madoow oo ah boqorka beesha Axmed Siilaanyo wuxuu tilmaamay inuu boqolkiiba boqol taageersan yahay Warka uu Saxaafadda siiyay Suldaanka guud ee Salaadiinta beesha Isaaq Suldaan Cabduqadir Suldaan Maxamed.
Mar uu ka hadlayay weerarka lagu qaaday Xarunta Xisbiga UCID Wuxuu ku sheegay mid sharciga ka baxsan oo Al-Shabaab iyo Bilis xaawaleey si wadajira u fuliyeen.
Boqorka mar la waydiiyay qaraxyo kama dhacaan Somaliland marka sidee lagu dhihi karaa waxaa heysta Al-Shabaab wuxuu uga jawaabay “ Koofurta ma ay qabsan ,runtiina iyadaa naga wanaagsan maxaa yeelay Somaliland waxaa heysta Al-Shabaab,hadii aan ka jawaabo su-aashaada si toosana meelaha ay joogaan sida Kismayo iyo Baydhabo kama dhacaan qaraxyo maxaa yeelay waa meel ay heystaan”
www.buhodlepost.com
isha wararka sugan