kala Doorta Marti Loo Taliyo,Iyo Mudani Dal Iyo Maamuus leh
Inta u dhaxaysa Lebida Gaatama iyo Gambahde waxay noqotay meel SNM u soo safriso colaadda ka dhex oogan Habraha ku abtirsada. Waxay noqotay meel aarsi iyo dhul riix lala beegsado. Waxay noqotay meel mucaawinada dunida iyo Canshuurta laga qaado reer Togdheer iyo Waqooyi Galbeed Soomaaliya lagu xalaalaysto. Waxay noqotay meel lagu tijaabiyo tabaha dhagarta iyo khiyaamada sir
iyo caad. Waxay noqotay saylad SNM ku tartansiiso Horgal iyo Heeranka,tolkooda uga saarto,iyana isugu dirto,kii u shilisna ay ku daabaqadiso,Waxay noqotay meel jeelashu markay miisaaniyad rabaan u soo doontaan maxaabiis,nabkan u dambeeyey bal ila eega:-http://www.tvsomalilandeurope.net/?page=newsReadDetails&Detail=4067
SNM afkeeda ayey ka qiraysaa dhibta maxaabiista u badan reer SSC ku haysata jeelasha buux dhaafay ee macaluusha iyo darxumada loogu ba’ay. Qirasho afkooda ah hoos ka akhri:http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=11495&Itemid=62
Kala fogaanta ka dhex jirta Habraha SNM,mililka hoos yaalla ee la rabo in SSC loo soo safriyo waayo waa colaadda midaysa,hoos ka akhri:-http://www.togaherer.com/2011/08/02/siiraanyo-waxaa-loo-balan-qaaday-raisal-wasaare-waxaanuu-sheegay-in-mudo-sanad-ah-la-sugo-inta-uu-qaranka-kala-jajabinaayo-suldaan-maxamed-sulcabdi-qaadir/
Waxaa hore loo yidhi dhibtu kuma hadho ciidda oo aad madaxa geliso. Waxaa iyana la yidhi gari waa nin leh u go’do. Soomaali waxay murti hore ku tidhi,nimaan quusan isagaa quus ah. Ilaa 2004kii,SNM
degaanka SSC hadba qayba baa damaaci ku soo qaadayey-waa marag-ma-doon,ciddii shaki gelisa waa loo yaabaa. SSC iyada ayaa is haysta,midnimada iyo xorayntana waan kala dirirayaa Faroolow adaa is waafajin doona. Ciidan iyo Dhaqaale uma hayo,waxaan uu damaashaad ah nah waan dhigayaa iyana Faroolow aadaa is waafajin doona. Akhriste halkan ka daawo damaashaadka aan xusay:-http://horseedmedia.net/2011/08/02/daawo-xafladdii-13-guuradii-puntland-ee-garoowe-ka-dhacdey-filasho/
Ugu dambayn sida aan Faroole uba xusin degaanka SSC ee SNM ay haysato ilaa 2004kii ilaa 2011ka,waa 7da sano,waa badh(nus) Cimriga Maamulka Puntland. Ninkii tan u fadhiyi,fayoobi kala tage.Lebida
Gaatama ilaa Gambadhe yaa lahaa oo haddaba loogu yeedhaa,Beenaale markhaatigiisa buu fogeeyaa waa kan nuxurkii khudbaddi Faroole:-http://www.puntlandpost.com/garoowe-nuxrukii-khudbadii-m-wayne-faroole-1-da-augst-oo-uu-kaga-hadlay-arimo-badan/
Hadal gun iyo gunaad leh,xumaanta aad sii dhawrato,maalin ay ka sii xuntahay oo aadan wax ka qaban karin bay ku dhaxlsiisaa. Mahadsan intii hore halganka ugu jirtey,waxaa guul ka xiga saburi iyo hawl joogtaysan. Hadday jirto in sidii Fircawn hafasho sugaysa,waxaan xusuusinaya inay maanta daba qabasho leedahay,kala doorta marti loo taliyo iyo mudani dal iyo maamuus leh.
By M.H Buraleh