Puntland Siyaasiyiin Is Xulufaysi ku Jirta Xog Hoose
Wararka laga helayo Magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo aya sheegaya in beryahan danbe ay socdaan shirar gooni gooni ah oo u dhexeeya kooxo Siyaasiyiin ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay Maamuladii Puntland soo maray balse iminka hawl-gab ah.
Shirarkan xoogooda ayaa waxay ka socdaan Magaalada Boosaaso, lama oga ilaa iyo hada waxayaabaha looga hadlayo balse ilo ku dhow dhow ayaa Warbaahinta u sheegay in qodobada ugu muhiimsan ee siyaasiyiinta hawl-gabka ah uga hadlayaan inay ka mid yihiin sidii loo bad baadin lahaa Puntland isla markaana Lasugu diyaarin lahaa Doorashada Wakhtigan dhow ee Puntland.
Wararka hoose ee aan kulamadaas ka helnay ayaa intaas ku daraya in qodobka kowaad ee siyaasiyiintaasi inay tahay sidii ay u sameysan lahayeen Golle Siyaasadeed ooay ku midaysan yihiin iyo sidii markale ay isaga arki lahayeen Saaxada siyasadeed ee Puntland gaar ahaan Hogaaminta.
Qaar ka mid ah magacyada siyaasiyiintaasi ayaa waxa noo suurta gashay inaanu helno waxana ka mid ah.
1-Maxamed Cali Yuusuf Gagaab(Ex Madaxweyne xigeen) Ahaana Wasiirkii Maaliyada
2-Muuse Cali Jaamac(Walaalo Ex.Madaxweyne Jaamac Cali Jaamac)
3-Col.Cabicasiis Siciid Gacameey(Ex. Taliye Boolisk)
4-Shaahdoon Cali Yare(Ex Wasiirka Ganacsiga)
5-Cabdirisaaq Xuseen Gacayte(Ex.Wasiirka Dekedaha)
6-Cali Buureed(Ex wasiir Dowladii Cade Muuse)
7-General C/laahi Siciid Samatar (Ex-Wasiirkii Amniga Qaranka PL
8-Bille Qaboowsade(Ex.Wasiir ku xigeen iyo Lataliye Madaxweyne)
9-Cabdulaahi Timacade(Ex.Wasiir Hawlaha Guud Cade Muuse)
10-Cabdiraxmaan Maxamed Bangax(Ex.Wasiir Warfaafinta)
11- Cabdisamad Yuusuf Abwaan (Ex-Wasiirkii Ganacsiga ee Puntland]
Dhamaan ragan ayaa wada is xulafaysi siyaasadeed iyo sidii Isbedel kan Dhaama loo Heli lahaa, dhamaan Siyaasiyiintan ayaa ka soo Jeeda Gobolada Mudug iyo Bari oo ah Labada Gobol ee ugu wayn Puntland isla markaana Maamulka Hadeer Jiraa aanu Wax Taageero ah oo Buurayn ku Lahayn.
Madaxweynahe Faroole waxa gees martay markii uu Golaha Wasiiradii dhisayay Sanakdii 2009- inuu Qayb wayn ka Siiyo Saamiga Xukuumada Wasiiradii hore ee ilaa Coll C/laahi Yuusuf Axmed Markii uu Madaxwaynaha ahaa Golaha ka dhex Muuqday kuwaasi oo Fahmay Is Rog Roga Siyaasadeed ee Puntland isla markaana Kicinta Shacabka aad ugu Wanaagsan taasi oo ah Tan Wakhtigan uu Farta dhexda uga Qaniinayaa Madaxayne Faroole.
Is xulufaysigan wuxuu Yimi markii ay soo Baxday in Madaxwayne Faroole uu Quu daranayo inuu Mar labaad Hogaanka Puntland qabto taasi oo Keeni karta Isku dhac Beelaha Puntland.
Siyaasi Maxamed Xaaji Aan oo dhawaan u Warmaya Warbaahinta baa sheegay in Dr Faroole wakhtigiisu uu ku egyahay Bisha December ee Sanadkan Dhegayso Riix Hal