Himilo Xaaraan ah,Hungada SNM
Xusni Mubaarak,dhib,dhagar,khiyaamo,kibir,dil,xadhig iyo hunguri wuxuu maalmo ku jiraba waa kaas xaqii kadaba yimid,hoos kaga bogo,edegga dulmigu ku soo ooday: http://www.youtube.com/watch?v=Ln2lijolvw0Ciddii Daraawiish liicday,ku jawr fala,maalin baa kadaba iman,Yaa Daalem Lak Yom(Daalim kastaa maalin buu leeyahay),awood waa tan Eebbe iyo Shicibka. Hoos ka daalaco,kala dambayn la’aanta iyo sharci darrada SNM ku sugantahay,bal duxda Horgal iyo Heeran ka raacda aan dhawrno maalo tirsan:-
Cagtii joogsan weydaa marbay ceeb la kulantaaye,sida beentu u soo taab gaabantahay,USA oo mudankiis marisay dambiile Siilaanyo hooska daalaco:-http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=11512&Itemid=62
Kullu shey’en yarjicu ilaa aslihi(Asal waa kii loo noqdo),Dahabshiil,Dhiigshiil u dhurey(dibi bay u dhuti bay tiraahdaa Soomaalidu). Hoos ka dhuux waxa ay ku dambayso dhiig dad aan waxba galabsan markii faraha lala galo:- http://www.galmudugnews.com/2011/08/03/xafiisyadii-dahabshiil-ee-geeska-afrika-oo-kaah-la-wareegtay/
UCID wax lagu sheego xisbi qaran,asalkii ahaa xisbi qabiil saw kuma caddaan. Reer Dumbuluq(Ciidagale) ayaa runta UCID daboolka ka rogey,hoos
ka milicso:-http://www.heemaalnews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=2070&catid=293&Itemid=549
Doob Dhoob geel kuma dhalo. Qolyihii been lagu sheegi jirey doorasho ku qadhaaban jirey oo lacagta laga soo xado Canshuur bixiyeyaasha reer Galbeed Hargeysa ku cuni jirey,inay arrini u run sheegtay iyana hoos kaga bogo-innal baadila kaana zahuuqaa:-http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=11508&Itemid=62 Nacaybka derisku waa arrinta qudha ee walaalaysa SNM. Wax ka dheh bogga Jidbaale ayaa idleeyey,oo tabac tabacda Bilaayo Madow
(Buur Madow) ku mesaaley,Habar dhaliweydey aleelo ku waalatay. Bal hoos ka akhri sida Baal Madow(Buur Madow) uu eedda ula doontaymeel aan geyin:-http://www.tvsomalilandeurope.net/?page=newsReadDetails&Detail=4071
SSC iyo Awdal State waa qorrax soo baxday sacab ma qariyo. Wiil is waalaba waabiyaa hela. Hadday SNM wax ku quus qaadato,in Carab Dheer kibir maag ku taaray Darwiish Janan Ismaaciil Mire ayna maanta kala taariikh yihiin taa ha ogaato. Dagaal iyo xasuuq ooge Siilaanyo,waxaan kula talin lahaa inuu si dhab
ah u daawado www.youtube.com kore si uu ugu cibro qaato xaalka maanta Xusni Mubaarak Fircawnkii Qarnigu ku suganyahay.Sida SSC jeer walba u xeeriso Soomaalinimda,Saado Cali Warsame hubolka qaranka ayaa ka turjumaysa. Inta damiirka iyo sama falka u saaxiibka ah,waxaan ku boorinayaa inay Saado Foundation tabarucaad degdeg ah ula tiigsadaan.faahfaahin hoos bay ku dhantahay: http://www.lasanod.com/details.php?num=6088
M.H.Buraleh