Madaxweyne Sheekh Shariif oo si buuxda u sheegay inuu ka xun yahay wixii ka dhacay Xerada Barakacayaasha Badbaado
Madaxweyne Sheekh Shariif oo si buuxda u sheegay inuu ka xun yahay wixii ka dhacay Xerada Barakacayaasha Badbaado.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegay inuu ka xun yahay falkii ciidamada dowladda ay ku rasaaseeyeen dadka barakacayaasha ee ku jiray xerada badbaado, wuxuuna si buuxda u sheegay inaan falkaasi loo dul qaadan Karin.
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa shegay in ciidamadii ka dambeeyay falkaasi la marsiin doono cigaab adag iyo sharciga waxa ay ka mutaystaan. Wuxuuna sheegay in arintaasi ay aheyd arin aad u fool xun, isagoo sheegay dadkii falkaan ka dambeeyay fakir ahaan aysan aheyn Soomaali sida uu hadalka u dhigay.
Sheekh Shariif madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhanka kale cadeeyay in goobaha dadka rayidka loo sameyn doono ciidamo u gaar ah oo ilaaliya ammaanka suuqyada iyo goobaha barakacayaasha ay degen yihiin ee ku yaala Magaalada Muqdisho.
Dhanka kale Maalintii shalay waxaa xerada Badbaado ka dhacay isku day ku aadan in ciidamada dowladda ay dhacaan Raashiin gar gaar oo la doonayay in loo qeybiyo dadka halkaa ku sugan, waxayna tani noqotay falkii ugu xumaa oo ay ku kacaan Ciidamada Dowladda KMG ah.
www.buhodlepost.con