|

Mahiga oo Soo gaadhay magaalada Garoowe

 Ergeyga Soomaaliya u qaabilsan Jamciyada quruumaha ka dhaaxaysa Augustine Mahige ayaa ka degay saacad ka hor magaalada Caasimada ah ee Puntland ee Garoowe, iyadoo ay ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo ugu horeeyo Wasiirka arrimaha Guddaha Puntland Mudane Gen. C/laahi Axmed Jaamac ( Ilkajiir ), iyagoo u soo galbiyey masuulkaas aqalka madaxtooyada oo ay ku sugnaayeen masuuliyiinta ugu saraysa puntland.

Ergayga UN-ka ee Arrimaha Somalia Dr. Augustine Mahiga oo ka degay Garoowe  

Aqalka madaxtooyada ayaa waxaa ka socda shir ay al baabada u xiran yihiin oo aan loo ogolayn saxaafada , waxaana la filayaa in marka uu soo gaba-gaboobo shirkaasi ay qaban doonaan masuuliyaantaasi shir saxaafadeed quseeya waxyaabihii ay ka wada hadleen.

Shirkaan ay albaabada  u xiran yihiin ayaa waxaa la sheegayaa in lagu gorfaynayo arrimo quseeya shir loo samaynayo soomaalida & goobtii uu ka dhaci lahaa, iyadoo loo badinaayo in shirkaas laga qaban doono deegaanada Puntland oo ah goobta kaliya ee nabada ka ah geyiga soomaaliya, marka laga reebo somaliland oo iyadana nabad ah oo sheeganaysa inay go’day Soomaaliya, inkasta oo uu caalamka dhammaantiis ay arrinkaas  ka soo horjeesteen.

Shirkaan ka socda caasimada Puntland ayaa wuxuu daba socdaa shir maalinkii shalay ka dhacay magaalada nairobi , shirkaas oo uu soo agaasimay Xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya, kaas oo lagu casumay aqoonyahaniin soomaaliyeed oo looga hadlayey arrimaha soomaaliya & goobta ugu haboon in lagu qaban karo shirka loo qabanayo soomaalida,  iyadoo soomaalidii shirkaas ka qayb gashay ay si wanaagsan ay u cabireen in shirkaas lagu qaban karo deegaanada Puntland oo ah goob nabad ah

xigasho Somalisona

Fikrad Ka Dhiibo