|

Heeshiiyo dhex maray Maamulka Hargaysa iyo Dalka Ethiopia

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa Xukumadda Ethiopia u saxiixay heshiis Mashaariic konton sanadood sida ku cad dukumiinti ay saxiixeen labada dhinac oo Warbaahinta Waagacusub heshay.Dukumiintiga oo Ethiopia iyo Somaliland ku kala saxiixdeen 21 July 2011 Hotel Shareton ee Magaaladda Addis Ababa wuxuu dhigayaa in amaanka Dekadda iyo Madaarka Berbera la wareegto Xukumadda Ethiopia sidoo kalena ilaalo gaara geysato Xarumaha muhiimka ee heshiiska 50-ka sano ku qoran.1-In Dowladaha Shiinaha dhisto wada tareen mareena oo isku xirta Ethiopia iyo Berbera.
2- In Goboladda Somaliland laga qodo macdan,dheeman iyo Batrool ,laguna sameeyo baaris loo adeegsan doono khubaro Shiineesa.
A- Mashaariicda Somaliland waxaa u meteli doona Shirkadda Dahabshiil General Trading oo qandaraas lagu siiyay.
B- Dahabshiil General Trading waxay dhisida Jidka Tareen Mareenka qandaraas ku siisay Shirkadda China Railway Group Ltd.
Xukumadda Ethiopia oo fulineysa heshiiska ay la saxiixatay Somaliland waxay Mashruuca Macdan iyo batrool qodista heshiis kula gashay Dowladda China.
Dowladda China waxay qodista Macdanta iyo batroolka Somaliland qandaraas ku siisay Shirkadaha Randgold China iyo China Guard Tour Patrol. Shenzhen Trading Company.
Dowladda Ethiopia waxay degaanadda laga fulinaa mashruuca ilaalinteeda heshiis kula gashay Shirkadda Apollo Security
Dowladaha Ethiopia iyo China waxay dhaqaalaha Mashruuca ku leeyihiin lacag dhan %21.
Dowladda China Somaliland uma aqoonsana dal madaxbanaan sidaas daraadeed heshiiska waa mid u dhaxeeya Ethiopia iyo CHINA.
Dowladda China waxay mashruuceeda Somaliland ku saxiixi doontaa masuuliyad ay qaaday Dowladda Ethiopia oo ogolaansha ka heysata Dowladda dhexe ee Somalia.iyada ayaana uga wakiila mashruuca Somaliland.
Heshiiska wuxuu dhaqangelayaa marka ay si rasmiya u kala saxiixdaan Dowladaha China iyo Ethiopia sida ku cad balanta taariikhda kala saxiixashada labada dhinac ee 11 Augost 2011 ,gudaha Dalka China.
Inkastoo qodobadaan lagu xusay heshiiska hordhaca ee Madaxweyne Siilaanyo laga saxiixay hadana waxay Dowladda China diiday inay wafdiga Somaliland Visaha (Dal ku gal) ku siiso baasaboorka Somaliland.
Dowladda China waxay Xukumadda Ethiopia ku qancisay inay dacwad uga imaan karto Dowladda Somalia taas oo Xukumadda Mareykanka uga faa’iideeysan karto maadama uu ka dhaxeeyo loolan dhinaca ganacsiga .
Dowladda China waxay wafdiga Somaliland ku qaabili doontaa magaca Dowladda Ethiopia,waxbana kama qabto inay ka mid noqdaan wafdiga Wasiiradda Arrimaha dibadda iyo Ganacsiga Ethiopia hogaaminayaan.
Sida laga soo xigtay Masuul ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia waxaa wafdigooda ka mid noqon doona.
Madaxweynaha Somaliland oo Visaha dal ku galka China lagu siiyay Travel Documents (British).halka xaaskiisa Aamina Waris ay wadato British.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xersi Xaaji Cali oo wata baasaboor British oo magaca ku qoran uu yahay Khalid Mohamed Jama.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xersi Xaaji Cali wuxuu nin ku dhashay Cadan (Yemeni) oo lagu magacaabo Khalid Mohamed Jama ka iibsaday dhalashadiisii kadibna wuxuu ku xareeystay baasaboorka British sida la xaqiijiyay.
Sharci ay soo saartay Dowladda Ingiriiska ayaa dhigaya in Muwaadiniinta reer Cadan ee Ingiriiska gumeeysan jireen,aabayaashoodna u shaqeeyn jiray British-ka la siiyo baasabooradda British-ka hadii ay dhalashadooda la yimaadaan.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cali Ducale (Xuseen Gurey) oo wata baasaboor Mareykana ayaa ka mida ergada la socota Wafdiga Xukumadda Ethiopia.
Wasiirka beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole oo qaba Xersi Xaaji Cali ina adeertii INA Axmed Xaaji Xasan ayaa ka mida wafdiga ,waxayna Xukumadda Ethiopia siisay baasaboor Ethiopian.
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Mohamed Abdillahi Omar (Bajaaj) ayaa ka mida wafdiga ,wuxuuna wataa baasaboor Dutch (Holland)
Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Mohamed Bajaaj oo ku dhashay Magaaladda Baydhabo ee gobolka Bay wuxuu ka dhashay juffadda Bah Habar Aadan ee Jabriil Abokar taas oo la sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo aaminsan yahay in bah Habar Aadan ka soo jeedo jufadda Siilaanyo ee Aadan Madoobe.
Wiil Xersi Xaaji Cali Ina adeertii dhashay oo ah xogheynta gaarka ,lagana soo kaxeeyay Dalka Hindiya ayaa ka mida wafdiga ka qeybgali doono halka lagu kala saxiixanaa heshiiska.
Wiil qaba gabadha Madaxweyne Siilaanyo oo lagu magacaabo Baashe Cawil Cabdi Cumar ayaa ka mida wafdiga la socda Siilaanyo.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Xuseen Cali Ducaale (Cawil) ayaa hore u damcay in maalqabeen u dhashay Sacuudi Carabiya oo ay saaxiib yihiin laga iibsho qeyb ka mida dekadda Berbera hasse yeeshee waxaa qorshahiisa laalay Maareeyahii hore Cali Xor Xoor.
Maareeyaha cusub ee Dekadda Berbera Axmed Yusuf Dirir waxaa u abtiya Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xersi Xaaji Cali halka Gudoomiyaha gobolka Saaxil Maxamud Cali Saleebaan (Ramaax) uu qabo gabadh uu Saleebaan Gaalka guurtida u yahay adeer oo ah Ina Cali Ubaxle, lana dhalatay Wasiirkii Warshadaha Axmed Cali Ubaxle .
Xeeldheerayaashu waxay qabaan in labada Masuul si dhib yar u saxiixi doonaan heshiiska 50-ka sano Xukumadda Ethiopia ku maamuli doonto ilaha dhaqaalaha iyo amaanka Somaliland.
Xiriirka Jibouti iyo Ethiopia ma fiicna sidaas darteed waxay rabtaa Ethopia inay uga kaaftoonto xiriirka Jibouti ee dhinaca dekadda.
Mucaaradka Somaliland waxay walaac ka muujiyeen heshiiska Siilaanyo ku ogolaaday in Xukumadda Ethiopia la wareegto dhaqaalaha iyo amniga Somaliland.
Qaar ka mida Mucaaradka waxay ku doodeen in Siilaanyo Xukumadiisa oo dhan ka dhigay qoys (Caa’ilo) marka la qiimeeyo wafdiga la socda ee China u raacay.

www.buhodlepost.com

Adis Ababa Ethiopia

1 Response for “Heeshiiyo dhex maray Maamulka Hargaysa iyo Dalka Ethiopia”

  1. hersi says:

    Itoobiya innaba deris baan lanehee maxaa inoo diidey inaan la tacaamullo,
    waxaan qabaa inay iidoor iyo majeerteenba saxan yihiin, waayo masaalixdooday raacdaan
    somali iyo madax bannaanina waxba kama gelin, itoobiyana waa laga wada mid noqonayaa siday
    kusocotee waxaan garan dadkeenna ay weli kaga dheggantahay daraawiishtii iyo midnimaan usoo
    dagaalamay amaan raadinayaa, war iidoor itoobiyaa ingiriis u noqotay 50 saneed sheegaty kadib baanay ogaanayaan, majeerteenna boqorradii talyaanigu bixin jirey waxaa hadda bixiya xabashida
    oo waa kuwaa garowe fadhiya, wax fahma qolooyinkiinna wax iska qoraa.
    waxaa dhulbahante u furan inay itroobiya toos uga mid noqdaan oo qudha meel kasokaysa maya.

Fikrad Ka Dhiibo