Ahmed Siilaanyo iyo wafdi la socday ayaa caro kala laabtay garoonka Pole International Addis Ababa kadib markii loo diiday inay raacaan Diyaaradii ay ku qornaayeen ee Ethiopian Airlines Flight Number 604, Addis Ababa , ET (ADD) – BeiJing , CN (PEK) Boeing 777-200LR JET, Ethiopian Airlines
Hoowlwadeenadda Ethiopian Airlines ayaa sababaha Siilaanyo iyo wafdigiisa looga reebay safarka ku sheegay Ahmed Siilaanyo oo aan wadan Visaha Dal ku galka ChinaAhmed Siilaanyo oo sida la xaqiijiyay ay la socdaan Marwadiisa Amina Waris,wiil uu sodog u yahay,Wasiiradiisa Arrimaha dibadda,Madaxtooyadda,Macdanta iyo Biyaha,Beeraha iyo Maareeyaha Dekadda Berbera waxay hore u deganayeen Hotel-ka quruxda badan ee Sheraton hasse yeeshee waxay degeen Hotel qiimo ahaan raqiisa oo lagu magacaabo Ghion.
Inkastoo aan la ogeyn sababaha Siilaanyo iyo wafdiga la socda ku qasbay inay Hotel Ghion degaan hadana qaar ka mida Xeeldheerayaasha ku sugan Addis Ababa ayaa ku macneeyay inay ku dhuumanayaan si aan loo ogaan ceebtooda waloow qaar kalena ku tilmaameen Hotel-ka Sheraton oo dad kale booking gareeysteen maadama Check out ka sameeyeen.
Wasiirka Arrimaha dibadda Maamulka Somaliland Mohamed Abdillahi Omar (Bajaaj) oo Wariyeyaal badan ka waceen telefoonkiisa Ethiopia ee 00251921623948 ayaa diiday inuu hadlo ,wuxuuna u aamusayay sida qof dhuumanayay oo kale hasse yeeshee mar uu la hadlay Wariye ajnabiya oo iska dhigayay diblomasi baadi goobayay ayuu caadi ula hadlay.
Wasiir Mohamed Abdillahi Omar ayaa Saxaafadda Hargaysa u sheegay inay dalka China gaareen ,iyadoo Website-yadda iyo Wargeysyadda Hargaysa ka soo baxa badankood qoreen inay ka degeen China.
Masuul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia ayaa Warbaahinta u sheegay inay Dhambaalo ay uga hadlayaan qadiyadooda Socdaalka Siilaanyo ee CHINA u direen Wasaaradda Arrimaha dibadda CHINA .
Wasaaradda Arrimaha dibadda ee CHINA ayaa Dowladda Federalka Somalia u cadeeysay inaysan jirin casuumaad rasmiya oo Dowladda China u fidisay Ahmed Siilaanyo iyo waftigiisa balse ay heshiis la galeen Xukumadda Ethiopia kaas oo guddi kala metelaya Wasaaradda Ganacsiga iyo tan dibadda China loo xilsaari doona inay hubiyaan .
Deg deg fara badan,aqoonyari dhinaca diblomaasiyadda,isku dhex yaac iyo been ayaa hareeyay Xulufadda Ahmed Siilaanyo,waxayna bulshadda Somalida n ah iyo beesha Caalamka maleeysan waayeen beentii uu Afhayeenka SNM Cabdillahi Cukuse ku sheegay in garoonka Caalamiga ee POLE International Addis Ababa la xiro shanta galabnimo sidaasna Madaxweyne Siilaanyo ugu degay Magaaladda Diridhabe.
Xukumadda Ethiopia ayaa la soo Wariyey inay ka xumaatay hadalka xaqiiqada ka fog ee Afhayeenka SNM ku bahdilay garoonkooda Caalamiga.

Sawiro laga qaaday Kulan dhexmaray Ra’isulwasare ku xigeenka Ethiopia iyo Madaxweyne Siilaanyo ayaa muujinaya ninka ku magacaban Wasiirka Madaxtooyadda Snm Xersi Xaaji Cali oo fadhiya booskii Wasiirka Arrimaha dibadda SNM Mohamed Abdillahi Omar ay Baratakool ahaan aheyd inuu fadhiyo ama Siilaanyo keli ku noqdo kursiga.
Wasiirka Warfaafinta SNM Horgal sare Axmed Cabdi Xaabsade ayaa dhawaan magacaabay Hoos joogayasha Gobolka xooga lagu haysto ee Sool,
Gudoomiyaha gobolka Sool iyo Duqa Magaaladda Laascaano taas oo sharciyan ka dhigan mid ka baxsan awoodiisa.una muuqaal eg qaabkii hogaamiye kooxeedyadda loogu madaxbaneen jiray maamuladda degaanadooda Koofurta Somalia.
Magacaabista Gudoomiye gobol iyo duq Magaalo waa awood u leh
ninka u sareeyaa Jamhada Snm hasse yeeshee sida muuqato waxaa faraha ka baxay nidaamkii shaqo qeexida ( Job Description) waana sababta Xaabsade sida hogaamiye kooxeed ama Oday dhaqameed u magacaabay Madaxda Laascaano.Halkaan ka akhri Warbixin uu ka qoray Wargeyska Waaheen http://waaheen.com/?p=19449