|

Faalo.SNM,Xumaani Ku Filan Ninkeeda(Al Musii’u Takfiihi Isaa’atuhu)

Hubsiino laa’aanta ay Daydayga SNM rasaas aan loo miidaan diyin ula beegsadeen Tabliiq,safar ah. Waa dhacdo tilmaamaysa welwelka iyo cabsida ay SNM ku sugantahay:-http://www.hadhwanaagnews.com/

Dhul boobka iyo bililiqada ka socota Hargeysa,oo ka liftey in la isu adeegsado rasaas tiro badan maalin cad:-http://waaheen.com/?p=19443

Musuq-maasuqa iyo ku takrifalka hantida SNM ka soo gasha deeq bixiyeyaasha,waxaa ka dhashay inay mar qudha hawada ka wada baxaan Radio iyo TVga SNM ay beenta u furatay:-http://waaheen.com/?p=19446

Horjooge Siilaanyo oo ay maamul iyo qorshe xumo ku silcisan garoomada Ethiopia. Socdaal aan u jeedo lahayn,danta qudha ee laga rabey ahayd in la helo been lagu maaweeliyo dadka yar ee weli rumaysta beenta SNM:-http://waaheen.com/?p=19449

Dir baan shirka kaga qaybgalnay,la helimaayo meel magaca Isaaq aan wax ku saxeexnay. Madax dhaqameed been iyo khiyaamo siyaasad ka yeelay. Isla qoraalkan waxaad ku arki doontaa sida ay Habraha SNM isu maja xaabinayaan,oo ay khiyaamada iyo dhagarta isula gaadayaan:-http://www.togaherer.com/2011/08/10/muusoow-kala-saar-oo-eed-aanu-isaaq-lahayn-adigu-ha-u-soo-jiidin-madaxweynaha-xaal-u-cuntama-siiya-cigaal-iyo-rayaaleba-dadka-waxay-ku-hayeen-caddaymaha-shirkii-jabuuti-maxaa-siilaanyo-2/Reer Awdal waxay dhisteen Maamul u gaar ah oo loogu yeedho Awdal State,dabin dambe SNM uma qooli doonto. Awdal State waa dad taariikh,aqoon iyo dhaqan soo jereen ah leh,waa hubaal inay si fudud uga dabaalan doonaan sunta

ay SNM la damacday:-http://www.cadceed.com/2011/08/samaroonoow-ha-noqonina-sidan-neefkan-geela-ah-oo-kale.html

China waa dal fac weyn,leh taariikh dheer,kama suurta gasho inay dabin u gasho SNM:- Waa dhacdo dhegihii wax maqlaa ku cibro qaadan karaan:-http://waagacusub.net/news/10.08.11.2pole.htm

Caqli ku garte  iyo waxaa jira indho ku arke. Yaab leh kooxdan ay indho,dhego,iyo garsho tirtay beenta iyo laaluushka SNM. Meeshu waa Taleex waa Caasimadda Gobanimada iyo xaq u dirirka yaan lagu kedsoomin: http://www.togaherer.com/2011/08/10/19-xubnood-oo-5-ka-mid-ahi-ay-dhaawac-yihiin-oo-la-gaadhsiiyey-magaalda-garoowe/

SNM waxay doontay inay been xaq u dhigto,SSCna xaq sida qorraxda u cad bay dhacsan la’dahay,waa kaaf iyo kala dheeri. Xumaan ninkeeda ayaa aakhirka u go’a,waxaa la yiraahdaa hagaaji kii ku hagaajiya,xumaani ku filan ninkeeda.

Beeni mar cabbaal leh,rakaadse ma leh. Markaad eegto sida ay dhagartii SNM u sii shiiqayso,xaqii SSC,Awdal iyo Maakhir soo ifayo,qul sadaqal xaq,wa zahaqal baadel innal baadila kaana zahuuqaa.

by M.H. Buraale

Fikrad Ka Dhiibo