Xildhibaan Hargaysa oo Puntland u gacan-galay (Xildhibaankan ayaa hogaaminayay Wefdi kasoo kicitimay Hargaysa oo doonayay inay dhuumasho ku soo booqdaan Degmada Taleex

Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa gacanta ku-dhigay wafti uu watay Hosjooge Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo ah Hoos joogayasha katirsan maamulka Snm, ayna kamid ahaayeen gudoomiyaha maxkamadda degmadda laascaanood Salaad Cabdi, Gudoomiyaha waxbarashadda gobolka sool Maxamed Aadan Cartan, Taliyaha ciidanka snm ee degmadda taleex Faarax dhoodi shire, kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Siciid Sanqad, Hosjooge Cali koore
ayaa la xaqiijiyay inuu ka baxsady halkaas ilaa xiligan aan la ogayn halkuu ku sugan yahay isagoo ka mid ahaa wafti maamulka Snm u soo diray gobolka sool oo maalmahanba ku sugnaa magaalada laascaanood

wararka naga soo gaadhaya magaalada Garoowe ayaa xaqiijinaya in Horgaladan ka tirsan Maamulka Snm iyo koox la socotay ay ciidamo ka tirsan puntland gacanta u galeen laguna hayo magaalada garoowe
Hosjooge Saleeban Yuusuf Cali (Koore) iyo kooxda la qabtay ayaa ka soo jeeda deegaan ahaan degmada taleex kuwaasoo waday qorshayaalay ku doonayaan in maamulka Snm la gaadhsiiyo deegaankaas , dadka deegaanka taleex ayaa inta badan taageero xoogan siiya maamulka puntland iyadoo todobaadkii la soo dhaafay ay halkaasi gaadheen wafti culus oo ka tirsan maamulka puntland.
Madaxweyne ku xigeenka puntland cabdi samad cali shire oo isna ka soo jeeda deegaanka taleex ayaa awood siinaya sidii deegaankaas oo loogu arkin cid maamul kale sheegata waxaansen ilaa la ogayn halka lala aaday kooxda uu watay Hoos jooge Koore oo katirsan Maamulka Snm ee ka soo jeeda deegaankaas