Maxaabiistii laga soo qabqabtay Deegaanka Taleex ayaa lagu maxkamadaybayaa magaalada Garoowe
19 maxaabiis ah oo ka tirsan Maamulka Somaliland kuwaas oo ka soo jeeda Deegaanka SSC o isugu saraakiil ciidan,Gudoomiye Maxkamadeed, Xeer Ilaaliye iyo askar ayaa la keeney lagu hayaa magaalada garoowe oo xarun u ah Maamulka Puntland, kuwaas oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada daraawiishta Puntland ee ku sugan aaga degmada Taleex, ciidamada soo qabtay maxaabiistan ayaa waxay Somaliland ku sheegtay Ciidanka khaaska ah ee madaxtooyada Puntland halka masuuliyiint Maamulka Puntland ay sheegeen in maamulka somaliland uu kusoo xad gudbey xuduuda deegaano ay maamusho Dowlada Puntland,iyadoo sida la ogyahayna dhul hore ay puntland uga talin jirtay uu gaacanta ugu jiro Maamulka Somaliland ayaa Maamulka Puntland ay sheegeen in in Somaliland ay ku soo xadgudubtay Xuduuda Puntland Wasiirka warfaafinta Dowlada Puntland Mudane Axmed Cali Askar oo lahadalay Warbaahinta ayaa ku tilmaamey hawlgalka ay fuliyeen ciidamada Puntland mid ay ku difaacayeen degmada taleex oo dowlada Puntland qorsheynayso in ay ka fuliso mashaariic horumarineed.
Axmed Cali Askar oo wax laga weydiyey khasaaraha ka dhashey iskahorimaadka ayaa sheegey in dhanka ciidanka Puntland aysan jirin waxyeelo soo gaadhey , balse gaari ay la socdeen xubno ka tirsan Somaliland ayaa gadoomey waxaana dhaawacyo fududi kasoo gaaray ilas 6 qof halka qofna uu ku geeriyoodey. Saraakiisha Somaliland iyo Ilaaladoodi Wararka laga helayo Haydaha amniga Puntland ayaa sheegaya in maxaabiista loo gudbin doono Maxkamad si sharciga loo horkeeno fariimo ka imanaya Qorbajoogta Taageersan Maamulka Puntland iyo waxgaradkale oo ku sugan gudaha SSC ayaa ka codsanaya Maamulka Puntland in la saaro maxkamad dagaal iyagoo ku tilmaaamaya maxaabiista in ay yihiin dadka dhibaatooyinka ka gaystay magaalada Laascaanood e Gobalka Sool aay maamusho Somaliland warar ka soo baxaya maamulka Somnaliland ayaa sheegaya in ka rajo qabaan in loo sooo daayo dadkaa Garowe lagu xidh xidhay iyadoo la sheegayo wasiirka Gaashaan dhigo Somaliland Mr. Cadami uu toos ula xiidhay C/raxmaan Faroole,islamarkaana uu Faroole si fiican u qanciyey Cadami,waxaase la sheegayaa in Faroole ka gaabsaday in uu sheego sii dayn doono maadama aysan ahayn dadkani dadka Soo jeeda Hargaysa iyo Burco isagoo ku riixaya C/samed inuu go’aanka gaadho maxaabiistan Si kastaba ha ahaato ee dhamaan wax garadka Reer Puntland ayaa aad ugu farxay soo qabashada xubanhaas oo doonayey in ay qulqulad ka abuuraan Magaalo Taariikhda Taleex oo dhawaan Ha’yado u balanqaadeen in ay ka fulin doonaan mashaariic.