|

Talo Maalin Bay Joogtaa (M.H.Buraleh)

North Somalia

Wax war iyo xog lagu sheegay oo ku soo baxay bogga Waaheen 11/08/2011 ayaa SNM waxay ku tibaaxaysa wada hadal dhex mara Dhulbahante iyo Isaaq(SSC iyo SNM).  SNM(Isaaq) waxaan u sheegayaa inaan haba yaraatee aanu wax wada hadal la yiraahdo,inta ay SNM ku sugantahay degaanka SSC. Shuruudaha wada hadal waxaa ugu horeeya oo lama dhaafaan ah in horta SNM dhammaan Deydayga ay aargoosiga ku soo barbaarisay ay dib ugu daad guraynayso xadka Lebida Gaatama,iyo inta ay ka bixinayso magdhaw wixii ay dil,kufsi,xadhig,dhac iyo barakicin ka geysatey degaanka SSC laga soo bilaabo markay SNM hurinta colaadda bilawday kuna aaddan markay adeegsiga qoriga Somali u horseeday. 

SSC waa hormuudka xorriyadda,sinaanta,cadaaladda iyo nabadda mana yeeli doonto inay SNM gaar ula xaajooto. Wada hadal aanay qayb ka ahayn Reer Maakhir iyo Awdal,SSC lama yeelan doonto SNM,waa shardiga saddex ku aha labada aan kor ku soo xusay. Akhriste ila dhawr sida bogga Waaheen u dhigay waxa uu war iyo xog ku tilmaamay:- http://waaheen.com/?p=19536(war been abuur ah oo ay SNM beryahan fidinaysey)

Rag wuxuu walaal ku dhaamo horeba loo waa,hoos kala soco halganka reer Awdal State ugu jiraan siduu gacantooda ugu soo noqon lahayd talada degaanka iyo haybadda Allaah ku manaystay. Sidoo kale waxaad isla hoos ku cad xasuuqa ay SNM

ku hayso reer Awdal intay meesha ka baxday Dawladdii Somaliyed:-http://awdal.awdalstate.com/?p=3937(qoraal halganka ku saabsan)

http://awdal.awdalstate.com/?p=3965(midka xasuuqa ka hadlaya) Degaanka Allaah baa ummaddiisa ku kala beeray,sidoo kale Allaah baa ruux kasta u doora qoyska iyo qabiilka uu ka dhasho.  Horgal iyo Heeran hore uga mid ahaan jirey reer Awdal,Maakhir iyo SSC States,ayaa taas dhaafsaday san dareeto loogu shubo jeebka iyo darjo ku socota in iyaga la siku liso iyo kanna siib kanna saar.  Rag calooshi la ciyaar iyo ciil kama baxaa u liita,Taleex waa tii Dawladii jeerkaas dunida ugu Tunweyneyd markay u taag iyo maaro weydey Cirka ka duqaysay. http://www.somaliland.org/2011/08/11/%E2%80%9Cciidanka-waa-ku-waajib-difaaca-karaamada-dadka-oo-daawadeyaal-ma-noqonayaan%E2%80%9D-md-cadami/(Cadami) http://www.somaliland.org/2011/08/11/waxay-noqonaysaa-inaan-dharka-cad-iska-dhigo-oo-aan-difaaco-dadkayga%E2%80%9D-xildhibaan-koore/(Koore)http://www.somaliland.org/2011/08/10/wasiirka-warfaafinta-oo-sheegay-inay-puntland-dusha-ku-qaadi-doonto-masuuliyada-weerarkii-weftiga/(Xaabsade)  SNM waa xun baa ku soo fool leh,haddaysan is daba qaban. Colaad bay afarta geesood isaga shidday(Ogaden,Gada Biirsi,Wrsangeri iyo Dhulbahante),dhaxaleedu waa iska cadyahay. Somalid waa ummad cafis,samir iyo dulqaad badan,SNM si ay u badbaaddo waxay dani ugu jirtaa inay sida ugu dhaqsaha leh u joojiso colaadaha ay deriska iyo Somali ku hayso,cafisna ay ka dalabto,intaan talo faraha ka bixin. Waayaha waxaa laga bartaa cibro iyo khibrad lagu talo goosto,SNM hadday nabad iyo deris wanaag rabto way ogtahay inaan Horgal iyo Heeran talo ka go’in. Horgal iyo Heeran colaad,xaalad abuur iyo kharash waxaan ahayn SNM uma soo hooyaan-Inna Samca Wal Basara Wal Fu’aad Kaana Canhu Mas’uulaa,yaan SNM markay talo faro ka haaddo cid kale eedayn-Walaa Taluumuuna illaa Anfusakom.

 

Dhulbahante wax dhib ahi ma dhex taallo,waxaa taas u daliil ah degaanka Dhulbahante ayaa ahaa kan dhulka Somali ugu nabadoon ugna xassiloon. Dhulbahante waa dadka isugu jecel,isugu waxtarka badan,isugu dhow Somali oo idil. In la isku diro marar badan baa xilliyo kala duwan iyo meelo kala duwan la isaga deyey waana lagu hungoobey. Carrab iyo laba daan baa isugu dhow iyana way is qaniinaan,dad waxaa jira doona inay xagtimo dhex maray rag badi Xamar ku wada noolaa oo isku qabtay maal ama kuraas inay u rogaan colaad qabiil. Nasiib wanaag Dhulbahante waa ummad dhaqan,xeer iyo taariikh fac weyn leh mana ka suurta gasho inay aqbalaan in xagtimo dhex maray kooxo ama ashkhaas ay isaga hor timaaddo. Waxaan ku waaninayaa waa hadday jiraan kooxo ama ashkaas wax isku hayaa inay garta u maraan sida dhaqanka,xeerka iyo taariikhdu ina farayso,waayo arrin u taalla laba qabiil horena uma noqon gadaalna kama noqondoonto idinka Eebbe.

 

www.buhodlepost.com

Afeef: qoraalkan waxaa iska leh qoraaga Faalada ku Saxeexan

Mohamed H.Buraale

mhburaleh@gmail.com

 

Fikrad Ka Dhiibo