|

R/Wasaare Gaaz Oo Rajadii Faroole Qar Ka-Tuuray Kuna Guuleystay In Shirkii Wada-Tashiga Muqdisho Lagu Qabto

Waxaa si buuxda loo shaaciyey waqtiga uu dhacayo shirka wada-tashiga arrimaha Somalia iyo goobta ay tahay in lagu qabto, waxaana ay tani soo afjareysaa muran ba’an oo ku aaddanaa halka uu shirku ka dhacayo.

Kulan ay golaha wasiirada DKMG maanta yeesheen ayey si buuxda isku raaceen in shirku ka dhaco magaalada Muqdisho 4-6 bisha September ee sanadkan, islamarkaana looga hadli doono sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka iyo nidaamka ku meel gaarka ah ee ay ku shaqeyso dowladda KMG, waxaa sidoo kale lagu lafa guri doonaa waxa ay tahay in ay dowladdu qabato muddada halka sano ah ee loo kordhiyey.

Markii maanta shirka wasiirada dhamaaday ayaa afhayeenka xukuumadda Eng:: Cabdiraxmaan Yariisow oo saxaafadda war siiyey wuxuu sheegay in xukuumaddu ay go’aan cad ku gaartay in shirka Muqdisho ka dhaco, kana soo qeybgalaan hay’adaha dowladda, maamul goboleedyada iyo marti sharaf kale.

Iclaamintan ayaa ku soo aaday maalin kadib markii uu Muqdisho yimid wakiilka QM ee Somalia oo loo maleynayo in laf ahaantiisa uu wax ka ogyahay xilliga iyo goobta uu kulanka wada-tashiga ka dhacayo.

War laga soo xigtay xafiiska Mahiga isna wuxuu muujinayaa in Qaramada Midoobey oggoshahay in shirrku ka dhaco Muqdisho, maadaamaa ay abaabulkeeda si weyn ugu howlaneyd.

Tani waxay meesha ka saareysaa rajo ay Puntland ka qabtay in ay magaalada Garowe ku martigeliso  Madaxweynaha Maamulka Puntland aya aad ugu xusul duubayey in shirkan lagu qabto Magalada Garoowe arintan aya dhabar jab siyaasaded  ku noqonaysa C/raxman Faroole oo waqti badan ku bixiyey sidii uu u hirgalin laha qorshaha marti galainta shirkan.

wwww.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo