|

Cabdiqaasim Salaad Xasan Bixitaanka Al-Shabaab waa Guul”

Madaxweynihii hore ee Somalia Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa fursad mar hore loo baahnaa ku tilmaamay ka bixitaankii Xarakada Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho.

”Mar hore ayeyba aheyd in ay tanaasulaan, laakiin haddii ay hadda ka baxeen waan soo dhaweynayaa waana runtii wax wanaagsan in ay sidaas sameeyaan”, ayuu yiri Cabdiqaasin oo ku sugan dalka Masar.

Wuxuu sheegay in tani ay muujineyso in ay qeyb kamid ah dhaibaatada shacabka lagu hayo ay soo afjarmi karto, islamarkaana loo baahan yahay in koox kasta oo hub wadato ay falkaas oo kale sameeyaan.

Dowladda KMG iyo ciidankeeda ayuu ugu baaqay in ay mas’uuliyad iska saaraan sugidda amniga goobaha ay Shabaab baneeyeen, islamarkaana wuxuu si gaar ah fariin ugu diray askarta oo uu uga digay in ay dadka dhac iyo boob u geystaan.

Soo dhaweyntan waxay qeyb ka tahay taageero xoog badan oo loo muujiyey markii ay toddobaadkii hore Muqdisho isaga tageen dagaalyannadii Al-Shabaab.

Isse Ahmed sofe

buhodlepost

Fikrad Ka Dhiibo