|

Qaar ka mid ah wadamada Africa oo ka soo horjestay in Somaliland Soomaaliya ka go’do

Qaar ka mid ah wadamada Africa oo ka soo horjestay in Somaliland Soomaaliya ka go’do.

Wasiiradda arrimaha dibbadda wadamada  South Africa iyo Tanzania ayaa sheegay inaysan Somaliland u aqoonsan doonin dawlad Soomaaliya inteeda kale ka madax banaan.

Kulan ay labada wasiir ku yeesheen magaalada Pretoria ayay ku sheegeen inay diidan yihiin m/mulka Somaliland loo aqoonsado dal madax banaan oo geeska Africa ku yaala waxayna sheegeen inay ka biyo diideen inay aqoonsadaan.

Wasirka arrimaha dibbadda dalka Tanzania Bernard Membe ayaa sheegay in Somaliland ay ka mid tahay dhulweynaha Soomaaliya islamarkaana aysan ka go’I Karin sida ay asaga la tahay waxaana uu ugu baaqay wadamada kale ee Africa inay ka foojignaadaan in Somaliland dal loo aqoonsado.

Bernad Membe waxaa uu xusay inuu dhawaan la kulmay wafdi ka socday m/mulka Somaliland oo u sheegay inay inay yihiin gobol jamhuuriyadda Soomaaliya ka mid ah.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibbada iyo xiriirka caalamiga ah ee dawlada South Africa  Maite Nkoana-Mashabane ayaa asna sheegay in Somaliland ay ku dadaashay wax ka qabashadda amaanka hase ahaatee ay willi Soomaaliya ka mid tahay

www.buhodlepost.com

Fikrad Ka Dhiibo