Dhibta dagaalkii sokeeye Somali baday Isaaq wuxuu noqonayaa qabiilka ugu saamaynta iyo dhibta yar marka la barbar dhigo Somalida kale. Daarood dooni raacadayaa,dabaalataa dalka iiga guur bay ku bilaabantay,lagama hadhin ilaa xadka la dhaafsiiyey,looma hambayn dil,boob,kufsi,iyo qixin. Waxaa halhaays noqotay intaad noqon lahayd Daarood badbaadey noqo Somali kale oo dhintay. Waxaa ku xigey Digil iyo Mirifle dil,boob,kufsi sidii loogu wadey abaar ba’an baa loo kaday,dunida oo dhan bay taasi ku riddey murug iyo calool xumo qotta dheer. Dadka sida la sheegto laga tiro,maal iyo awood badanyahay naf,maal iyo dhul midna looma badbaadin welina si ba’an bay ugu socotaa. Hawiye dagaalo dhexdiisa ah iyo kuwo debid kaga yimid baa dhaxalsiiyey colaad,dagaal iyo rafaad daba dheeraatay oo ilaa manta socota. Marka guudka laga eego wixii Gaalkacayo Koonfur kaga beegan labaatan sano waxaa ka jira colaad dhan walba saamaysay oo aan waxba reebin. Dagaal noocyo badan yeeshay,qabyaalad, Jabhadayn,dal riix,hanti,dhul iyo darajo bursi iyo ugu dambayn kooxo Diimeed.
Akhriste kor ka akhriso sida SNM ay been aan geed lagu toosin ugu afuufayso dadka ay dilaasho. Buur(Belaayo) Madow oo goobo dalxiis iska hadaafaya oo lagu sheegay soo dhawn heer qaran ah.Xogta Belaayo Madow ku warramay iyo sawirka Amiin Caamir baa ka turjumaya ceebta Siilanyo kaga dhacday safar uu rabey inuu ku meelaysto shilimaad, dad u baahani ku badanyihiin kuna ildaranyihiin daafaha gobolada Togdheer iyo Waqooyi Galbeed Somalia

Ma inkirayo in Togdheer iyo Waqooyi Galbeed Somalia ay ku dagaalameen Jabhad Hubaysan ee SNM iyo Rijiimkii Somalia jeerkaas ka talinayey. Ma qarinayo inaan la isku awood ahayn,sida haddaba aysan isku awoodda u ahayn shicibka Carabtu iyo Rijiimada talada haya. Qalad qalad laguma sixi karo. SNM iyo Rijiimka midna gacamuhu uma laabnayn hub wax gumaada waxna guba bay isu adeegsadeen,mid waliba waxay birta ka asashay cidday ku tuhunto dhinaca ka soo horjeeda. Rijiimkii Soomali oo dhan baa ka hortimid meeshana wuu ka baxay. SNM markay gacanta ku dhigtay hubkii iyo hantidii ummadda Somlaiyed, dadka dega Awdal,Maakhir iyo SSC ayey aargoosi,dil,kufsi,xadhig,dal riix iyo boob,socda ilaa maanta ku bilawday-waxay ku galabsadeen waa su’aal taagan.
Waxaas oo dhib ah oo Somaali ka soo gaarey Rijiimkii,Jabhadii,Qabayaaladii ama magaca Diinta,SNM mooyee lama arko qabiil iyo gobol doonaya inuu Somali iyo Somalia kala jaro oo ka go’oh. Arrinta aan meesha qaban waa,hadduu Isaaq Somali nacay muxuu ka rabaa Reer Awdal,SSC iyo Maakhir-saddexdan reer midna inta ruux nooli ka hadhay waa Geel dalool irbadad ka dusey inay ogolaadaan inay Somali iyo Somalia ka go’aan.Caadifaddu caqliga ma aha inay daboosho oo ay ka qaalib noqoto. Waa in caqligu taliyaa. SNM waxaa la gudboon inay joojiso buun buuninta qaybta kaga soo aaddey dagaalkii aan waxba reebin cidna u hambayn,inay ka shaqayso nabadaynta Somali,deedna waxay xisaab ku hesho ay ku qanacdo.
by M.H.Buraaleh
_________________________________
AFeef. Aragtida Qoraalkan waxay u gaartahay qoraaga ku saxeexan