|

Xukuumadda Raysul Wasaare C/weli Gaas oo ku Fashilantay inay ka Hadasho Heshiiska Ethiopia iyo Somaliland ee Shidaalka looga Baarayo Ogadeniya (Warbixin)

Muqdisho (RBc) Xukuumadda KMG Soomaaliya ee uu raysul wasaaraha ka yahay C/weli Maxamed Cali Gaas ayaan haba yaraatee, illaa haatan aan wax jawaab ah ka bixin heshiis la sheegayo inuu dhexmaray maamulka Somaliland yo xukuumadda Ethiopia kaasoo ujeedkiisu yahay in gaas laga soo saaro gobolka ay Ethiopia heysato ee Ogaden iyadoo fulinta qorshahaasi loo isticmaalayo dekeda Berbera.

Wakaaladda wararka dalka Ethiopia ayaa Sabtidii sheegtay in kulan saddexaad geesood ah uu dhexmaray wafdi ka socda wadanka China, maamulka Somaliland iyo masuuliyiinta Ethiopia iyagoo wada saxiixday heshiis saddex geesood ah oo ku saabsan in gaas laga baaro gobolka Ogaden ee ay Ethiopia ka heysato Soomaaliya.

Nuxurka heshiiska saddex geesoodka:

Sida ku cad qorshaha heshiiska waxaa saddex dhinac (Somaliland, Ethiopia iyo shirkad Chinese ah) ay wada saxiixeen heshiis soconaya mudo 25 sano oo shirkadda Chinese-ka ay shidalka uga iibsaneyso Ethiopia.

Shirkadda Chinese-ka ayaa lagu magacaabaa PetroTrans Company Ltd waxaana fadhigeedu yahay Hong Kong.  Waxay shirkaddan Ethiopia u sahamineysaa ka dibna u soo saareysaa gaaska dabiiciga ee ceegaaga ciida Soomaaliyeed ee Ogaden. Waxaana sida heshiiska ku qoran shirkadda PetroTrans Company Ltd ay bixineysaa adduun gaaraya $4 bilyan (afar bilyan oo doolar) oo ah kharashka ku baxaya horumarinta iyo soo saarista ceelal gaas ah oo ku yaalla block-yada 3 iyo 4, 11 iyo 15, 12 iyo 16, iyo sidoo kale 17 iyo 20 ee gobolka Ogaden.

John Chine oo ah gudoomiyaha shirkadda PetroTrans Company Ltd ayaa magaalada Addis Ababa ugu sheegay wariyaasha in shirkadiisu y dhiseyso dhuumo gaaska iyo shidaalka ka qaada gobolka Ogaden kuwaasi oo tagi doona illaa dekeda Berbera halkaasoo sidoo kale John Chine uu sheegay inay ka sameyn doonan adeegyada looga baahan yahay si shidaalk iyo gaaska maraakiib loogaga daad gureeyo dekeda Berbera oo ay Somaliland maamusho.

Dhanka Somaliland, madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa sheegay inay aad u soo dhoweynayaan heshiiskan isagoo ku micneeyey heshiis iskaashi, hase yeeshee Siilanyo ma uusan ka hadlin in wax uu ethiipia siiyay ay tahay deked Soomaaliyeed iyo shidaal Soomaaliyeed oo labaduba aysan xaq u lahayn.

Dekeda Berbera oo ay wada yeelanayaan Ethiopia iyo Somalliland

Waxyaabaha kale ee yaabka leh kuna jira heshiiskan saddex geesoodka ah ayaa in dekeda Berbera oo ka mid ah hantida ka dhexeysa ummada Soomaaliyeed ay wada yeelan doonaan Ethiopia iyo Somaliland halka taasi bedelkeeda la sheegay in dekeda ballaarin lagu sameynayo.

Waxaana maamulka dekeda Berbera iyana heshiis gaar ah loogu wareejinayaa shirkad kale oo fadhigeedu yahay Hong Kong taasoo lagu magacaabo Hutchison Port Holdings (HPH). Waxaa sidoo kale maamulka dekeda Bebera saami faa’iido wadaag ah ku yeelanaya shirkadda The Ethiopian Shipping Lines (ESL) oo hawlaha marakiibta u qaabilsan dawlada Ethiopia.

Ethiopia ma leh dekeda iyo bad toona tan iyo intii ay Eritrea ka goosatay sanadkii 1993-kii, waxayna wixii mudadaasi ka dambeysay Ethiopia wax kala soo degi jirtay dekedaha Bebera iyo Jabuuti. Hase yeeshee heshiiskan ayaa u ogolaanaya Ethiopia inay dekedda Bebera wax ku yeelato.

Shirkadda The Ethiopian Shipping Lines waxay ku dhawaaqayday inay dalbatay illaa 9 markab oo cusub kuwaasoo laga soo iibinayo wadanka china qiimahooduna uu ku kici doono illaaa $293 milyan (labo boqol iyo sagaashan iyo saddex milyan oo doolar) si loogu adeegsado daabulida gaaska iyo shidaalka laga qaadayo dekeda Berbera.

Saraakiil Ethiopian ah ayaa laga soo xigtay inay sheegeen in Somaliland qorshahan ay u ogolaatay si ay ula tartanto dekedda wadanka Jabuuti oo hadda ah tan ugu ballaaran gobolka Geeska Afrika, halka Ethiopiana ay ka faa’ideysaneyso sida shuruud la’aanta ah ee ay dekeda qeyb ugu yeelaneyso.  Dhanka shirkahada China waxay laftooda u arkaan heshiiskan suuq fiican maadama badeecdaha ganacsi ee yimaada Afrika 90% ay ka yimaadaan wadanka China.

Haddaba kulan kale oo lagu dhameystirayo heshiiska saddex geesoodka ah ayaa lagu wadaa in uu ka dhaco wadanka China tddobaadyad soo socda iyadoo haatanba wadanka China uu ku sugan yahay raysul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi.

Haddaba, waxaa iswediin leh maxay xukuumadda KMG Soomaaliya uga hadli la’dahay boobka bareerka ah ee lagu hayo kheyraadka ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed iyadoo aan ognahay in DKMG masuuliyiinteeda ay si deg deg ah uga jawaabaan marka ay maqlaan Puntland ayaa heshiis la gashay shirkad ajnabi ama shidaal baareysa?

Halkan ka Dhageyso shirkii jaraa’id ee ugu dambeeyey ee wasiirkii shidaalka ee xukuumaddii raysul wasaare Farmaajo kaga hadlay shidaal baaristii ay waday Puntland. [http://www.raxanreeb.com/?p=100147]

“Waxaa jirta in shirkado ajnabi ah ay ku mashquulsan inay shidaal ka qodaan Puntland sida African Oil iyo Rangers, waxayna sheegeen in illaa September 2011 ay shidaal ka soo saari doonaan. Marka waxaan leenahay shirkadahaas iyo dadka arimahaas ku hawl jira inay ka waantoobaan” ayuu ku yiri wasiirkii Macdanta iyo Biyaha ee DKMG Soomaaliya C/risaaq Sheekh Muxyidiin shirkii jaraa’id ee uu ku qabtay Muqdisho June 17-keedii.

Akhri Wasaaradda ganacsiga DKMG oo xitaa sharci darro ku tilmaantay ganacsatada xoolaha dhoofisa ee aan soo marin wasaaradda. [http://www.raxanreeb.com/?p=102311]

Waxaa nasiib darro ah in xukuumadii sidaa uga hadashay Puntland ay maanta ka aamusan tahay arinta Ethiopia iyo Somaliland oo weliba sheegata inay Soomaalida ka goosatay.

Miyeysan Puntland iyo Somaliland ahayn labo maamul goboleed oo ay tahay inay hoos yimaadaan dawlada dhexe?  Mise raysul wasaare C/weli Gaas iyo wasiiradiisa kama hadli karaan arin ay Ethiopia ku jirto oo sidaa baa loo sheegay?

W/Q:  Cabdalle Muumin

Fikrad Ka Dhiibo