|

DR.Max’ed Cabdi Gaboose Wasiirkii Arimaha Gudaha ee Maamulka Siilaanyo oo xilkii ISka casilay

Waxa xilkii uu xukumada Siilanyo ka hayay iska casilay wasiirkii ugu awooda badanaa xukumada madaxweyne Siilaanyo Dr Maxamed Cabdio Gaboose oo ahaa wasiirkii arimaha gudaha Dr Gaboose oo xafiiskiisa ku qabtay shir jaraaid waxa uu ku dhawaaqay in uu xilkii uu ka hayay iska casilay xukumada Siilaanyo, waxana uu sheegay in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya isaga iyo Somaliland.

Is casilaadani ayaa ku beegantay kadib markii uu saaka dalka yimid madaxweyne Siilaanyo oo ka soo laabtay safar dheer oo uu ku soo guul daraystay, hase ahaatee uu saxaafada saaka madaarka uga faanay sheegayna in aanu jirin safar ka guul badnaa oo ay madaxdii Somaliland ee isga ka horyasay ay dibad ugu baxaan tan iyo laga soo bilaabo 1960′kii Is casilaadan Dr Gaboose ayaa noqonaysa mid gil gisha xukumada taagata daran ee Siilaanyo, waxana ay dhaawac weyn u gaysan doontaa habsami u socodka xukumada gaar ahaan wasaarada arimaha gudaha oo aan ka soo kaban doonin mudada isbadalka ee uu Gaboose ka sii maqanyahay xilkaasi.

Dr Gaboose ayaa ah nin rugcadaa ah oo aad iyo aad uga adkaa wasaarada arimaha gudaha, xiligana ma uu sheegin in uu ku koobnaan doono uun furashada xisbiyada Dhanka kalena waxa jira culaysa xoogan oo ay xukumada Siilaanyo ku hayso qaar ka mid ah golaha wasiirada ee xukumada, taasi oo ay wasaaradahaasi ay ka arimiyaan dad aan madaxweynaha ahayn taasina waxa ay kasbaysaa, in madax kale ay iyana is casilaan oo ay qaadaan wadada Dr Gaboose. Dr Gaboose oo soo gabo gabeeyay shirkiisii jaraaid ayaa sheegay in uu isu casilay in uu furto xisbi siyaasadeed isla markaasina uu ka midho dhaliyo hamisigiisii siyaasadeed ee uu doonaayay in uu ku noqdo madaxwweyne,Dr Gaboose ayaa sheegay in uu is casilaadiisa hore ugu gudbiyay madaxweynaha Somaliland, oo uu sheegay in ay haboontahay in lala shaqeeyo oo la taageero, waxa uu Dr Gaboose uu ka dhawaajiyay waxqabadkii xukumada Siilaanyo oo uu aad ugu amaanay tan iyo intii la soo doortay waxii ay qabatay.

Dr Gaboose oo af dublimaasiyadeed ku hadlaayay maanta markii uu soo gabo gabeeyay warsaxaafadeedkiisaasi waxa uu hadana saxaafada ka diiday in wax su’aalo ah ay waydiiyaan waxana uu sheegay in uu dib u hadli doono oo uu warbaahinta siin doono wakhti Diidista uu Gaboose diiday in uu ka jawaabo su’aalaha ay waydiinayeen saxaafadu ayaa shaki galisay dadweyne faro badan kuwaasi oo ayaamahii ugu danysayba maqlaayay in uu Dr Gaboose la shaqayn kari laayahay dadka dalka la hagaaya madaxweynaha. ee awooda qarsoon haysta.

R. Hadhwanaag: Dr. Gaboose Oo Shaaca Ka Qaaday In Uu Xilkiisa Iska Casilay Iyo Faahfaahinta waxyaabaha ku dhaliyay  

www.buhodle.com

2 Responses for “DR.Max’ed Cabdi Gaboose Wasiirkii Arimaha Gudaha ee Maamulka Siilaanyo oo xilkii ISka casilay”

  1. amaal ahmed mahamod says:

    labadii xaaraan ku heshiisaa xalashay isku nacdaa waxay iidoor ku heshiiyeen dulmiga dhulbahante laakiin hada waa xiligii burburka maamulka isaaqiyada kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  2. ayaanle m.x.jaamac(shiblul-islam) says:

    allahu akbar waa maxay ciil qabtadaasi.dhulbahantow idinku waxaad tihiin(fadlan lacag ku shubo) oo waxa idinka lumay jiheeyihii, idinku dhankii laydiin kexeeyaba u dhaqaaqa oo marka raga raga ahi qowdhamayo idinku dhiiidhiibsada………….

Fikrad Ka Dhiibo